Soomaalida ku nool Minnosota ee dalka Mareykanka oo dhigay dibadbax ay kaga cabanayaan joojinta Xawaaladaha

Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa dhigay bannaanbax ay uga cabanayaan joojinta xawaaladaha Soomaalida, iyagoo sheegay inay tani sababi karo dhibaato bani'aadamimo oo ka dhacda gudaha dalka Soomaaliya.

Mudaaharaadka oo dhacay shalay oo Jimco ahayd ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan iyadoo jawigu uu ahaa mid aad u qabow, waxayna dadka qaarkood sheegeen in joojinta xawaaladaha ay tahay mid lagu doonayo in shacabka Soomaaliyeed lagu laayo.

"Joojinta lacagta loo diri jiray Soomaaliya waxay u aragnaa in habadii Soomaalida ee ka haray xabbad iyo abaaraha lagu dilo gaajo," ayuu yiri Axmed Nuur Faahiye oo u warramayay BBC-da isagoo ku sugan goobihii ay dibadbaxyadu ka dhacayeen.

Haween iyaguna la hadlay BBC-da ayaa sheegay inaysan haysan meel ay ehelkoodii iyo caruurtoodii u mariyaan lacagaha biilasha ah, waxayna qaarkood oo ooyaya sheegeen inay ka walaacsan yihiin nolosha caruurtooda oo ku nool Soomaaliya.

"Caruurteda waxay ku nool yihiin Soomaaliya waxayna ku noolaayeen lacagta aan halkan uga diro... waxaan u arkaan in go'aanka joojinta xawaaladaha uu yahay mid lagu cunno-qabteynayo Soomaalida laga biili jiray halkan (Mareykanka," ayay tiri haweeney lagu magacaabo Barni oo ka mid ahayd dibadbaxayaasha.

Ra'iisul wasaaraha Sooamaaliya, Dr C/weli Maxamed Cali oo ka hadlay arrintan ayaa yiri: "Dhab ahaantii go'aankan uu mu'siibo bani'aadamnimo ku keenayaa malaayiin Soomaali ah oo noloshoodu ku tiirsanayd lacagaha ay ka helaan dibadda."

Xaliimo Cusmaan oo ah hooyo Soomaaliyeed oo shan caruur ah haysataa kuna nool Soomaaliya ayaa sheegtay inay biilan jirtay 150-doollar oo ay bil walba ka heli jirtay wiilkeeda oo ku nool dalka Mareykanka, ayna hadda nolosheed aad uga walaacsan tahay.

"Haddii aan weyno lacagta aan dibadda ka heli jirnay waxaan wajahaynaa faqri iyo macluul, waayo ma jirto cid kale oo aan dhaqaale ka helayno," ayay tiri Xaliimo oo ku sugan Muqdisho.

Bankiga Franklin oo ah bankiga keliya ee Xawaaladaha Soomaalida ee Minnosota ay xiriirka la lahaayeen ayaa shalay oo Jimco joojiyay xiriirkii xawaaladaha uu la lahaa isagoo sheegay inay soo wajahday cabsi dhinaca howlahooda ah oo kaga imaanaya dowladda Mareykanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya