Taariikhda Isboorti ee Gobolka Hiiraan

Axad, January 01, 2012 (HOL): Gobolka Hiiraan waxaa uu ka mid yahay gobolladda Soomaaliya ugu faca weyn, lana aasaasay xilligii dalka uu ku jiray isticmaarka.  Gobolka Hiraan waxaa kaloo uu caan ku yahay kaalintii uu ka soo qaatay xilliggii u dalka isticmaarka ku jiray iyo in ay ka soo baxeen hoggaamiyaal dalka can ka ah sida Cabdullahi Ciise .Adan Cabdulle Cismaan.iyo Shiikh Ali Jimcaale.

Taariikhiyan Gobolka Hiraan waxaa uu ka koobnaan jiray labo degmo ee dalka caan ku ah kalana ah Beledweyne iyo Buulo Burte inkastoo xilliyaddii dambe ee kacaankii 21ka Oktoobar ay degmo noqotay Jalalaqsi.  Ciyaartoydii hore ee aan soo gaarin ciyaaraha gobollada ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan waxaa ka mid ahaa gaar ahaan degmada Buulo Burte Axmadey Kutub, Bilow A.Karaama.A. Ibi.Mohamed Odowaa..Qaasim Xamaro.. jaad garee. Mohamed Sheikh. Iyo in aan la soo koobin Karin.

Haddii aan u jaleecno dhanka Sportiga iyo kaalinta reer Hiraan guud ahaan ay ka soo qaateen horumarka Sportiga ee dalka iyo kaalmiha uu gobolka ka geli jiray ciyaarihii taarikhiga ahaa ee loogu magac daray ‘CAYAARAHA GOBOLLADDA’.

Sporti marka laga hadlaayo Gobolka Hiiraan waxaa taariikhiyan jirtay in labada degmo ee uu gobolka ka koobnaa waa Beled Weyne iyo Bulo Burte in ay ka dhexeysay looltan iyo ficiltan.  Ficiltanka noocaan ah ayaa sababay in mar waliba oo ay kulmaan kooxo ka kala socdo labadan degmo in ay aheyd ciyaarta dhexmarta mid xiiso badan, sahalna aan lagu kala bixin.

 Muddaddii ka horreysay Kacaankii 21ka Oktoobar degmada Buulo Burte waxa ay qabtay koox kubadda cagta ah ee ciyaaro saaxiibtinimo ah u tegi jirtay Jowhar, Baydhaba iyo Marka si awoodooda ciyaareed u soo muujiyaan.  Xilligan Buulo Burte ayaa isha ku heysay kooxaha ka dhisan koonfurta sida Jowhar , Marka iyo Baydhaba .
 
Is-bedelkii uu keenay Kacaankii 21ka Oktobar ayaa waxaa ka mid ahaa in sportigii awal ahaa kubadda cagta oo kaliya in la badiyay oo la dhisay garoomo lagu ciyaaro kubadda koldeyga.  Degmooyinka gobolka Hiiraan waa Beled Weyn iyo Buulo Burte labaduba waxa ay nasiib u heleen in laga dhisay garoomo kubada koleyga tanoo u sahashay in ciyaartoy badan ay fursado u helaan in ay ciyaaraan kubada koleyga wiilal iyo gabdhaba.

Waxaase xusid mudan in ciyaaraha sida oroddada, dabaasha, kubada miiska, kubada laliska ay iyaguna noqdeen kuwo reer Hiiraan ay ciyaaraan in kastoo garoomada lagu ciyaaro ciyaarahan dambe ay ahaayeen kuwo xadidan oo aan sidaas u sii badneen.

Xilliggii ay curteen Ciyaaraha Gobolladda ee dalka Soomaaliya tiradda gobollada dalka waxa ay ahaayeen 8 gobol oo kala ahaa Banaadir, Hiiraan, Mudug, Jubadda Hoose, Jubadda Sare, Waqooyi Galbeed , Waqooyi Bari iyo Nugaal.  Gobolka Hiiraan waxa uu ka mid ahaa gobolladii isla markiiba caan ku noqday ciyaaraha gobolladda iyo isagoo gobolka taageero fiican ku lahaa waa caasimadda Soomaaliya Muqdishu oo ay deggeenaayeen taageerayaal badan oo ka soo jeeday gobolka Hiiraan.              

Gobolka Hiiraan sanadihii hore ee ciyaaraha gobolladda waxaa uu ku can ku noqday kubadda cagta, ciyaaraha fudud iyo gabdhaha kubada koleyga.  Waxaa dhacday muddo ku dhaw 10 sano in ciyaarta kama dambeysta ah ee gabdhaha kubada koleyga ay isku soo hari jireen gabdhaha gobolka Hiiraan iyo Gobolka Banadir mar kastana ay guuleysan jireen gabdhaha gobolka Banadir.   Guushan isdaba jooga ahi ee gabdhaha gobolka Banaadir waxa ay abuurtay in maamulka gobolka Hiiraan ay cuqdad ka qaadaan Xiriirka Kubadda Koleyga iyo gaar ahaan garsoorayaasha kubada koleyga gaar ahaan sannadkii taariikhiga ahaa ee gobolka Hiiraan markii ay badiyeen gabdhahooda ciyaartii faul dhacay daraadeed la isgu celiyay kadibna ay badiyeen gabdhihii gobolka Baandir.  Waa sannadkii reer Hiiraan ay u baaraan bureen ama u gabyeen Xaaji Colow guushii uu siiyaya gabdhaha gobolka Banadir daraadeed.

Marka la eego gobolka Hiraan kaalinta uu ka qaatay kobcinta ciyaartoda heerka 1aad ee Naadiyada Somaaliya u ciyaari jiray waa kaalin lama illabaan ah iyo xattaa ciyaartoyda ku biiray Qaramadda kala duwan ee Somaaliya.  Ciyaartoydan labadan heer ku biirtay waxaa ka mid ahaa Cabdulqadir Ciise ‘Biyoole’ ee ahaa goolhayihii Horseed, Cabey Dahir, Xassan Hamaama, Cabdiraxmaan Maxamuud Guhaad ‘Shiino’, Kuukaay, Halimo Ciise ‘Cali’, Aweys Dahir, Bello, Qaali Xamaro, Caash khadar. Zamzam Abdullaahi.Siraad Mohamed,Abdirizaaq M Ali [zusow].

Halyeygii booddada sare Abdulle Nuur Waasuge, Abdi Guled, Khaliif Cigaal Dhicisow , Arjentiin, Hassey,Isaaqey,Coonka, Dahir Weheliye, Mohamud Weheliye,Caasho Dheer, M use Ahmed Cadar, Abuukar Ali Xoogsade, Fidle, Ali Beerxaano, Abey Kalaan, Itob, Imboobe, Ali Dhuux, Amaan Guleed, Omareeto, Bashir Abdi Daahir, Isma'il Gaabow, Qoslaaye,Ahmednuur [Suusow] Turubush, Iyeey,Omar Dhalaweyn, Omar Muuse, Waariye, Abdirashiid Abdi Subeer, Bakaaley, Abuukar ,Abdi Subeer, Xuli, Biriq, Cowsow, Gaduudow Qarbireys, Cadadey, Nuur Guudey,Qandho,Fahmo Jaamac, Maryan Ciise.Gaduudow [Taabitey], Imboowe,Mustafey [Jeeg] Cabey  Xaaji , Fatxi, Cabey Xaagiyow,Mohamed sh Abuukar , Ahmed Sh Abuukar,Weli Odowa, Abdullahi Shiino,Shuutow, Abdullahi yusuf Waabey,Nadiifo Sh. Abuukar , Bashir Abiikar, Aargute  iyo kuwo kale oo badan.

Xilligii Gobolladda dalka la badiyay waxaad mooddaa in sanadihii hore ciyaaraha ay fiicnaayeen laakin wixii ka dambeeyay 1980kii in ciyaaraha gobolladda guud ahaan hoos u dhaceen tanna waxaa keentay iyaddoo himilladdii laga lahaa tartankan uu isbedelay siyaaso badanna la soo geliyay.  Tan ayaa keentay in tayaddii ciyaaraha ay hoos u dhacaan illaa ay gaartay in marka la gaaro tartanka ciyaaraha gobolladda in ciyaartoy badani ay ka bixi jireen gobolka Banadir iyagoo u soo safan jiray gobollada dalka sida Bari, Galgaduud iyo wixii la halmaalo.

Soomaaliaya markii ay burburtay oo hay’addii dawliga aheyd ee sportiga dalka madaxda ka aheyd ay meesha ka baxaday maamulkii sportiga dalka waxaa uu gacan u galay rag aanan saaxiib u ahyen maamul sporti lana socon taariikhda sportiga Soomaaliya.  Hadde horey ayaa loo yiri ‘Niman talin jirin haddii uu taliyo nin aan tagi jirin ayaa tagaayo..

Sanadahan dambe waxaa maamulka GOS ee Soomaaliya ay sameeyeen in gobolka Hiiraan oo taariikhdaas Isboorti lahaa  uu mar waliba wakiil ka noqdo shirarka masuulka wakiilka u ah gobollo kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya, kaasi oo aan lahayn mid la mid ah taariikhda Isboorti ee Gobolka Hiiraan, iyadoo taasina ay la mid tahay “Nin indho la’ oo la yiri hoggaami nin indho leh”.

Si kastaba ha ahaatee maanta dalka Somaaliya nidaamyada ka jiro wax lala yaabo ma aha sababta ay u dhacday dhacdada kor ku xusan balse waxa ay ku tuseysaa nidaam darrada heerka ay maanta gaartay iyo weliba sida loogu adkeysanaayo oo aan waxba laga qaban karin.  Waxaase xusid mudan in arrintan noocaan ah kuwo ka xun ay dalka ka dhacaan gaar ahaan maamulka sportiga ee dalka sannadihhii ugu dambeyay tanna waxaa suurta gelisay iyadoo meesha ay ka maqan tahay dawlad masuuliyaddii maamulka sportiga dalka laheyd aysan weli jiran.

Haddiise Eebbe idmo ee dawladda maanta jirto ay ku guuleysato in hoggaankeeddii dawldnimo ay soo ceshato in uu dalka marxalad cusub uu geli doono sportiga dalkana uu noqon doono mid marxaladaasi cusub la jaan qaado isbedelna u keeno.  Waxaase lama huraan noqon doonto in la heli doono Maamullo Sporti ee heer Gobol tan oo sahli doonto in la ballaariyo maamulka sportiga ee dalka lagana dhigo waxa loo yaqaan inclusive si koox gaar ahi aysan u hantinin maamulka sportiga ee dalka uguna takri falin.

Cabdi C/llaahi Xirsi
[email protected]