Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Ciidamada Milatariga gobolka Sanaag ee Somaliland, ayaa hawlgalo ay ku joojinayeen dhuxusha dibada loo dhoofiyo ka bilaabay gobolka Sanaag.
Cutubyo ka tirsan ciidamada ka hawlgala Degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo hawlgalkan fulinayey ayaa soo qabtay agabkii iyo meelihii ay ku aasi jireen dhuxusha, waxaanay sheegeen in xaalufinta dhirta iyo deegaanka aanay cidna u ogolaanayn, isla markaana ay gacan bir ah ku qaban doonaan dad ay sheegeen inay caadaysteen inay dhirta qoyan jaraan oo ay dhuxul ka dhigtaan.
Ciidamadan ayaa intii ay ku jireen hawlgalkan ay ku baadigoobayaan dadka la sheegay inay deegaankaasi xaalufinayeen la kulmay Odayaasha deegaankaasi, waxaanay ka codsadeen inay la shaqeeyaan ciidamda si ay u joojiyaan xaalufintaasi, sidoo kalana odayaasha deegaankaasi ayaa balan qaaday inay wax kala qaban doonaan dadkaasi dhuxulaysatada ah ee deegaanka xaalufinaya.
"Ciidanka Qaranka waa u diyaar inuu sharciga hor keeno dadka xaalufinaya deegaanka ee dhuxusha shidaya, meelkasta oo aanu ka dareeno xaalufinta dhirta ka laaban mayno ee waxbaanu ka qabanaynaa," ayuu yidhi Taliyaha cutubkan la dagaalamaya Dhuxulaysatada.
Ciidankan Milatariga ayaa intii ay hawshan ku gudda jireen la sheegay inay kaga dhinteen hal askari, halka dhawr kalana ku dhaawacmay ka dib markii ay iska hor yimaadeen dadkan dhuxulaysatada ah, waxaanay dhamaantood cagta mariyeen meelihii lagu kaydinayey dhuxusha, isla markaana ay fariin u direen dad ay sheegeen inay caadaysteen inay dhirta qoyan jaraan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland