Hay'adda MSF-Belgium oo sheegtay inay shaqaalaheeda shisheeyaha ah kala baxayso dalka Soomaaliya

Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF-Belgian ayaa sheegtay inay shaqaalaheeda ajnabiga ah kala baxayso Muqdisho balse ay kasii socon doonaan howlaheeda samofalka ah magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ay hay'addu soo saartay ayay ku sheegtay in laba ka mid ah shaqaalaheeda Ajnabiga ah ay mar hore ka saartay Muqdisho, kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaheeda uu ku dilay Muqdisho laba qof oo shaqaalaha Ajnabiga ah, kuwaasoo u kala dhashay dalalka Belgium iyo Indonesia.

"Aad ayaan uga naxnay ugana murugoonnay dilkii laba shaqaalaheenna ka mid ah loogu geystay Muqdisho. Taasi waxay keentay inaan go'aansanno inaan la baxno shaqaalaha kale ee Ajnabiga ah," ayay tiri Meinie Nicolai oo ah madaxa hay'adda.

"Dilka loo gaystay shaqaalaheeda xiriir lama lahan siyaasad iyo qorshe kale oo ka dhan ah howlaha samofalka ee aan ka wadano Soomaaliya," ayay hadalkeeda ku dartay, iyadoo sheegtay in howlahooda ay si caadi ah u socdaan.

Laba ka mid ah shaqaalaha hay'adda MSF-Belgium ayaa waxaa ku dilay xarunta ay ku leedahay Muqdisho ku xigeenka madaxii qalabeynta hay'adda oo Soomaali ah, kaasoo haatan gacanta ugu jira booliiska dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Madaxda DKMG ah ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in dilkaas uu ahaa mid aad looga naxo, waxayna sheegeen in ruuxii geystay la horgeyn doono sharciga si looga abaalmariyo dilka uu geystay.

Ugu dambeyn, hay'adda MSF-Belgium waxay sheegtay in 13 mashruuc oo wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed ay ka fuliso magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in isbitaal weyn ay ka sameysay Muqdisho si loo caawiyo shacabka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya