Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aroortii hore ee saakay oo Sabti ah uu billowday howlgal-gal lagu soo celinayo nabadda iyo degenaashaha guud ee Soomaaliya, iyadoo loo kaashanayo dalalka dariska ah iyo taageerada laga helo beesha caalamka.
"Maanta, xukuumadda iyo shacabka Soomaliyeed waxay u istaageen sidii ay uga hortegi lahaayeen kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, kuwaasoo dhibaatooyin badan isugu jira dil iyo argagax-gelin," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in hindisha qorshahan uu yahay sidii looga xoreyn lahaa dalka oo dhan Al-shabaab iyo Al-Qaacida, isagoo sheegay in durba guulo laga gaaray howlgalka.
"Howlgalka aan kusoo celinayno nabadda iyo degenaasha Soomaaliya waa qorshe ku socday, saakay aroortii hore ciidamada dowladda KMG waxay ka qabsadeen Al-shabaab degmada Baladweyne iyagoo qorsheynaya inay gobolka iyo gobollada kale ka qabsadaan, "ayuu hadalkiisa raaciyay.Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inay taageero weydiisteen dalalka dariska ah oo sida Itoobiya iyo beesha caalamka si ay ugu caawiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddooda howlgalkan taariikhiga ah ee lagu soo celinayo nabadda dalka.
"Ujeeddada ugu weyn ee howgalkan laga leeyahay waa in shacabka Soomaaliyeed laga xoreeyo falalka aan naxariista lahayn ee ay kula kacayso kooxdan," ayuu ku daray hadalkiisa.
Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in howlgalkan uu fududeynayo sidii ay ha'yadaha caalamiga ah ee gargaarka ay u heli lahaayeen goobo ammaan ah oo ay ku shaqeeyaan, si ay u caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee gargaarka u baahan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya