Dowladda Kenya oo Shaacisay Magacyada 15-qof oo ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab


Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Booliiska Kenya ayaa shaaciyay magacyada 15-qof oo ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab, iyagoo sheegay inay ka yimaadeen Kismaayo soona galeen Kenya.

Afhayeenka booliiska Kenya, Eric Kiraithe oo maanta la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Al-shabaab ay doonayso inay hab cusub u adeegsato waxyeelleynta ammaanka Kenya, iyaguna ay adkeynayaan ammaanka guud.

"Kooxdan waxay ka kooban yihiin sagaal Kenyan ah, laba Aasiyaan ah iyo afar Soomaali ah, da'dooduna waxay u dhexeysaa 24-sano illaa 32-sano. Sannad ka hor ayay aadeen Soomaaliya iyagoo ka tagay deegaanka Majengo oo ku dhow Nairobi iyo Mombassa," ayuu yiri Kiraithe.

Afhayeenku wuxuu sheegay inay ka hortagayaan qorshayaasha weerar ee ay kooxdan maleegayso, isagoo sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxdan xiriirka la leh Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa waxay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkan, xilligaasoo ay Al-shabaab ku eedeeyeen inay ka dambeysay dilal iyo weerarro xad-ka-tallow ah oo ka dhacay deegaannada ku yaalla xuduudda ee dalka Kenya.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore beenisay eedeymaha kaga imaanaya Kenya, balse kama aysan hadlin 15-ka ruux ee la sheegay inay taageersan yihiin oo u tallaabay dalka Kenya, kuwaasoo isugu jira Kenya, Aasiyaan iyo Soomaali.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya