Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Ciidammo kala taabacsan maamulka Dooxada Shabeelle iyo kuwa Ahlusunna oo labadaba gacan-saar la leh dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo garabsanaya ciidammo Itoobiya ah ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka oo socday muddo lix saacadood ah ay ku dhinteen in ka badan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmada iyagoo aan dagaalamin, inkastoo afhayeen u hadlay uu sheegay inay qaybo degmada ka tirsan ku sugan yihiin.
"Ciidammada Itoobiya, kuwa Ahlusunna iyo kuwa Dooxada Shabelle ayaa ku sugan gudaha magaalada, xoogaggii Xarakada Al-shabaab way ka baxeen magaalada," ayuu yiri goobjooge ku sugan Baladweyne, isagoo intaas ku daray in magaaladu ay daggan tahay balse loo diiday dadka inay guryahooda kasoo baxaan sameeyaan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka ay ka qaybgaleen 1,000 oo Itoobiyaan ah oo isticmaalaya gaadiidka dagaalka iyadoo dadweynihii ku nool degmadaas ay xalay iyo saakay ka barakacayay degmada Baladweyne, wuxuuna daaalku saameyn ku yeeshay ganacsiga guud ee magaalada.
Col. Maxamed Nuur Caga-joog oo ka mid ah saraakiisha maamulka Dooxda Shabeelle ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan degmada Baladweyne, uuna qorshahoodu yahay inay weeraraan degmooyinka kale ee gobolka si guud ahaan gobolka ay iyagu ula wareegaan.
Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta ee Ahusunna, Aadan Cabdulle Cawaale oo saxafiyiinta kula hadlay degmada Guriceel ayaa sheegay inay qayb ka yihiin dagaalka lagu qabsaday Baladweyne, ciidamadooduna ay ka mid yihiin kuwa ku sugan degmadaas.
Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay dhex lugeynayaan magaalada Baladweyne iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay degmadaas qabsadaan tan iyo markii ay isaga baxeen Soomaaliya sannadkii 2009-kii.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya