Sabti, Mar 06, 2010 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqorre ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay aqbashay inay sii dayso laba xildhibaan iyo sarkaal booliiska ka tirsan oo ku xiran Jigjiga.
Xildhibaannadan oo dhawaan Maxkamad lasoo taagay ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee keentay in Itoobiya ay xirto, iyadoo warar horay u soo baxay ay sheegeen in ogolaasho la'aan ay dalkaas ku galeen loo xiray.
Mudanayaashan oo kala ah Xuseen Gaagaale iyo C/llaahi Axmed Farey ayaa waxaa xarigooda ku wehliyay sarkaal ka tirsan Booliiska Somalia oo lagu magacaabo Axmed Ugaas, kuwaasoo weli ku jira jeel ku yaalla Magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.
"Dowladda Itoobiya waxay aqbashay inay sii dayso xildhibaannada, kaddib dadaallo badan oo la sameeyay, waxaana rajeynaynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dayn doono" ayuu yiri Cismaan Cilmi Boqorre.
Xildhibaannadan ayaa la xiray 30-kii bishii Jannaayo ee sannadkaan markii lagu iyagoo ku wajahnaa Gobolka Hiiraan oo ay markii hore ka tageen, iyadoo la sheegay inay howlo dhanka ciidamada ah u aadeen gudaha Itoobiya.
Waa markii ugu horreysay oo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay muddo ka badan hal bil ku xirnaadaan dalka Itoobiya oo daris la ah Soomaaliya, isla markaana saaxiib dhow la lah dowladda uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya