Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in dowladdu ay dhawaan la wareegayso Magaalada Muqdisho

Sabti, Mar 06, 2010 (HOL) - Dowladda Soomaaliya waxay waddaa qorshe ay ku doonayso inay dib ugu qabsato Magaalada Muqdisho oo ay inteeda badan gacnta ku hayaan xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka horjeeda.

Taliyaha Milatariga Soomaaliya Gen. Maxamed Geelle Kaahiye oo Wargeyska New York Times wareysi siiyay ayaa sheegay in dowladdiisu ay u diyaarisay ciidamo sidii ay dib ugu qabsan lahayd Muqdisho.

"Gargaarkii hubka ahaa ee ay dowaldda Mareykanku noogu deeqday wuxuu naga caawin doonaa inaan dib u qabsanno Magaalada Muqdisho iyo dalka oo dhan" ayuu yiri Gen. Kaahiye oo sheegay in dagaalka ay dhawaan bilaabi doonaan.

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga walwalsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan inay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin la wareegto awoodda guud ee dalka ayna dowladda xididada u siibto.

Sarkaal horay ugu hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hal askari oo Mareykan ah uusan cagaha dhigeyn Soomaaliya, balse uu ka kaalmeyn doono dhinacyada ciidamada iyo hubka.

Gen. Kaahiye wuxuu sheegay in talooyin ay ka helaan Mareyanka, kuwaasoo ku aadan sidii ay dagaal ula geli lahaayeen xoogaga Islaamiyiinta ah, ayna yihiin kuwo faa'iido badan u leh inay dalka oo dhan qabsato Dowladda Soomaaliya.

Dalka intiisa badan waxaa gacanta ku haya Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyadoo ku hanjabtay inay la wareegi doonto dalka oo dhan, taasoo cabsi weyn ku ahayd Dowladda Soomaaliya oo ka baqaysa in xilka laga tuuro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya