Waalidiin dhalay dhallinyaro lagu qabqabtay Muqdisho oo ka codsaday Madaxweyne Sheekh Shariif in caruurtooda loo sii daayo

Sabti, Mar 06, 2010 (HOL) - Waalidiinta qaar ka mid ah dhallinyaro ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ka qabqabteen waddooyinka Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga walwalsan yihiin xaaladda caruurtooda.

Waalidiintan ayaa waxay sheegeen inay ka codsanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu cafis u fidiyo caruurtooda, iyagoo sheegay inaysan ogeyn wax dambi ah oo lagu xiray.

"Madaxweynaha Sharafta leh waxaan ka codsanaynaa inuu cafis u fidiyo caruurta naga xiran oo aan garan waynay sababta loo haysto, waayo waxaa laga qabqabtay jidadka qaarkoodna waxaa laga watay goobahooda caafimaadka" ayay yirahaadeen Aabbe iyo Hooyo sheegay in caruurtooda ay ka mid yihiin kuwa la xiray.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gen. Cali Xaaji oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradaas qaarkood lasoo taagay Maxkamad lana sii daayay intii lagu waayay dambi, welina ay socoto maxkamadeyntooda.

"Ciddii aan dambi yeelan waa la sii daynayaa, waayo wax lagu haysto ma jirto, balse waxaa waajib ah inay sharciga maraan, loona soo bandhigo dambiyada ay galeen" ayuu yiri Gen. Cali Xaaji oo sheegay in dhallinyarada ay ku xiran yihiin Xabsiga dhexe.

Howlgallo ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ka sambeeyeen degmooyinka ay gacanta ku hayaan ayaa waxay ka qabqabteen dhallinyaro looga shakiyay inay gacan ku yihiin xaaladaha amaan-xumo ee ka taagan Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya