Sabti, March 06, 2010(HOL): Godoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari Shiikh C/xaafid Cali Yuusuf oo shalay dadka Bosaaso kala hadlay Masaajidka Dacwa ayaa sheegay in Maamulkiisa uu wax badan kaga duwanaan doono Maamuladii Gobolka soo Maray.
Waxaa kaloo uu Godoomiyaha Sheegay in uu la imaaan doono waxqabad Rasmi ah oo ku aadan hormarinta Bulshada ku nool Gobolka ,isagoo Wax laga xumaado ku tilmaamay falalkii ka dhacay Gobolka ka hor inta aan la soo magacaabin.
Godoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari Shiikh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa xusay in Maamulka hada jira uu is badal badan ku samayn doono ,iyadoo wali uu jiro khilaaf hoose oo ka dhaxeeya Golaha Deegaanka Degmada Bosaaso.
Waad la socotaan Wacyiga ka jira Somaliya ,waxaana hormar ku gaari karnaa, anagoo iskaashi ka samayna dhinacyada loo baahanyahay "ayuu ku sheegay Godoomiyaha Khudbadii uu ka akhriyay Masaajidka Dacda oo ku yaala Galbeedka Magaalada
Sidoo kale Shiikh C/Xaafid Cali Yuusuf ayaa Maamulkii isaga ku horeeyay ku tilmaamay mid aan ku shaqayn jirin Cadaalad ,waxaana uu xusay in waxqabad dhab uu la imaan doono inta uu xilka hayo.
Shiikh C/xaafid Cali Yuusuf Godoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari waxaa dhawaan lagu soo magacaabay digreeto ka soo baxday madaxtooyada Garowe oo uu ku saxiixnaa Madaxwaynaha Puntland Dr C/rixmaan Faroolle
Ugu danbayntii Maamulka Cusub ee Gobolka waxaa horyaala shaqooyin badan oo ay ka mid tahay is badal xagga amniga ah iyo hormarinta Bulshada Bosaso oo baahi u qabay Maamul waxqabad leh.
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaliya
Maamulka Cusub ee G/Bari oo Ballanqaad u sameeyay bulshada Boosaaso
More News
- Mid ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Dowladda Itoobiya ay ogolaatay inay sii dayso labo Xildhibaan iyo Sarkaal u xiran
- Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka warbixiyay kulamo uu Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Nairobi kula yeeshay Wakiillo ka socda dalalka daneeya Arrimaha Soomaliya
- Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Banaadir oo maanta burburiyay goobo sharci darro ah oo ku yaalla deegaanka Suuqa Xoolaha
- Waalidiin dhalay dhallinyaro lagu qabqabtay Muqdisho oo ka codsaday Madaxweyne Sheekh Shariif in caruurtooda loo sii daayo
- Mas’uuliyiin ka kala socday Midowga Yurub iyo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo shir ku yeeshay Magaalada Brussels ee Dalka Belgium
- Xarrakada Al-Shabaab oo la sheegay in Iskuullada ku yaalla Afmadow ay ka joojisay in lagu barto Luuqadda Ingiriiska iyo Seyniska
- Wasiirkii Arrimaha Gudaha Dowladdii Milateriga oo ugu baaqay Xoogagga Islaamiyiinta ah ay la heshiiyaan Dowladda si dagaalladu u dhamaadaan
- Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in dowladdu ay dhawaan la wareegayso Magaalada Muqdisho
- Burcadbadeed Soomaali ah oo Markab Kiimikada qaada oo laga leeyahay dalka Norway kasoo afduubay meel ku dhow Jasiirradda Madagaskar
- SHIIKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Xasan Turki malaha waxaa uu is yiri Al-shabaab ayaa ka tiro iyo tayo badan Xisbul Islaam ee ku biir"
- Xaaladda deegaannka Bacaadweyn ee Goballka Mudug oo deggan iyo khasaaraha dagaalkii halkaa ka dhacay oo sii kordhaya.