Sabti, Mar 06, 2010 (HOL) - Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii Milatariga ahayd ee Soomaaliya Maxamed Cabdulle Bacadle oo ku sugan Muqdisho ayaa ugu baaqay dhinacyada dowladda kasoo horjeeda inay nabad qaataan ayna la heshiiyaan dowladda.
"Qof ka dhimanaya waa Soomaali, qofka dhaawacmaya waa Soomaali, iyadoo taas la eegayo waxaan kooxaha mucaaradka ah ka codsanayaa inay dowladda heshiis la galaan, xabbadana ay joojiyaan" ayuu yiri Bacadle.
Mas'uulkan ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka taagan ay u muuqato mid aan xal loo heli doonin haddii aan la fikirin, isagoo ka codsaday Dowladda Soomaaliya inay iyaduna meel walba u gasho inay heshiis nabadeed la gasho kooxaha kasoo horjeeda.
"Waxaan ku talinayaa in xabbada la joojiyo, waayo iyada oo keliya xal ma noqon karto, wax walba waxaa ka wanaagsan in nabad iyo wadahadal lagu dhameeyo, waana digniin aan u jeedinayo dhammaan cid walba oo lug ku leh siyaasadaha dalka ka jira" ayuu yiri mas'uulkan oo aan inta badan saxaafadda la hadlin.
Dhanka kale, wuxuu dalbaday in la joojiyo dhammaan dagaallada ka socda dalka isagoo sheegay in dagaalladaas ay yihiin kuwo dib u dhigi kara in Soomaaliya ay ka baxdo xasaradaha aan dhammaadka lahayn.
Beelaha ku dagaalama deegaannada Baacaadweyn iyo Camaaro ee Gobolka Mudug ayuu ugu baaqay inay wax walba ku dhameeyaan wadahadal ayna dib u eegaan walaalnimada ka dhexeysa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya