Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Banaadir oo maanta burburiyay goobo sharci darro ah oo ku yaalla deegaanka Suuqa Xoolaha

Sabti, Mar 06, 2010 (HOL) - Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta howlgallo lagu burburiyay goobo sharcidarro ah ka fuliyay deegaanka Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

Howlgalladan ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsan Xarrakatul Shabaab iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil sarsare oo uu ka mid yahay Wakiilka Gobolka Banaadir ee Xarrakada Sheekh Cali Maxamed Xuseen.

"Waxaan ugu baaqaynaa dadka goobaha sharcidarrada ah dhistay inay burburiyaan inta aan laga burburin, sidoo kale waxaan ka digaynaa in lagu daadiyo biyaha wasakhda ah jidadka la isticmaalo" ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.

Wakiilka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Banaadir wuxuu kaloo sheegay inay wadaan qorshe ay ku furayaan Kawaan weyn oo lagu gowraco xoolaha, ayna ka furi doonaan degmooyinka Gobolka Banaadir Kawaano lagu gado xoolaha.

"Kawaanka weyn ee aan furayno wuxuu noqon doonaan mid lagu gowraco xoolaha hilibkooda laga cuno Muqdisho iyo hareeraheeda, waayo waxaan ilaalinaynaa qaabka loo gowraco xoolaha iyo caafimaadkooda" ayuu yiri Sheekh Cali.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in muddo shan maalmood ah ay ugu kordhiyeen gaadiidka amar ay horay ugu soo rogeen oo ahaa inay muraayadaha dambe ka dhigaan kuwo furmaya, wuxuuna sheegay inay cabsho kasoo gaartay gaadiidleyda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya