Sabti, Mar 06, 2010 (HOL) - Ra’isal-wasaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ku tilmaamay kulamada uu magaalada Nariobi ee Dalka Kenya kula yeeshay Diblomasiyiin ka tirsan Dawladda Mareykanka iyo booqashadii uu ku tegay dalka Jamaahiiryada Liibiya in labada lagu soo guuleystay.
Ra’isal-wasaraha wuxuu warbixin ku saabsan safaraddaas siiyay golaha Wasiirada kulankii ay isugu yimaadeen xarunta Dawladda ee Magaalada Muqdisho.
Ra’isal-wasare Cumar C/rashiid wuxuu sheegay inuu kulamo safaaradda Mareykanka ee Nairobi kula yeeshay ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaas qaybta Afrika iyadoo ay kulnkaas ka qayb galeen safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya, hay’adda kaalmada u qaabilsan Mareykanka ee USAID, Saraakiil qaabisan Arrimaha Amaanka iyo Ciidamada.
Dr. Cumar C/rashiid wuxuu kulanka golaha wasiirada u sheegay in dawladda Mareykanka ay aad ula dhacsan tahay habka iyo dadaalka ay xukuumadda KMG ay howlaha dalka Soomaaliya u waddo. Ra’isal-wasaraha wuxuu sheegay in dawladiisu ay ka codsatay Dawladda Mareykanka inay ka taageerto dhinaca amaanka iyo shidaalka.
Isagoo ka hadlaya safarkii ay isaga iyo wafdigiisu ku tageen dalka Liibiya, mudane cumar cabdirashiid wuxuu sheegay inuu ka qayb galay xus hoggaamiyaha liibya, Mucammar Al-Qaddaafi uu u sammeyay dalashada NABI MUXAMMED Nabadgelyo iyo Naxaiirs Korkiisa Ha-ahaatee; ayna kasoo qayb galeen wufuud dunida islaamka ka kala timid.
Ra’isal-wasareaha wuxuu sheegay in Dawladda Liibiya ay ka gargaari doonto Soomaaliya dhinaca mashaariicda dib-u-dhiska iyo Arrimaha gargaarka insaaniga gaar ahaan cuntada.
"Waxaa la bixin doona tartan Qandaraas hawshaas lagu qaban doono waxaana hawshaas qaadan doona cidii ku guleysata" ayuu yiri Ra’isal-wasaraha.
Shirka golaha wasiirada wuxuu maanta ka dooday ajenda ka kooban seddex qodob oo kala ah warbixin kala qaadasho, heshiis dhex maray dawladda Soomaaliya iyo hay’ad caalami ah ee Dalka Khaliijka ee maamulka iyo maareynta Maxaajirta Xannanada Xoolaha.
Isla shirkaa golaha wasiirada wuxuu warbixin ka dhagaystay guddiga dawladda Soomaaliya uga qayb galaya shirka Magaalada Addis Ababa ee Xarrakada Islaamiga ee Ahlu-sunnah Wal-jamaaca.
Ra’isal-wasare ku xigeenka isla-markaana ah Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu sheegay in la isku afgartay in Ahlu-sunnah Wal-jamaaca ay qayb ku yeelato dawladda KMG ee Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu sheegay in ergada Ahlu-sunnah Wal-jaamaca ay la-tashi ula soo noqotay inta ka joogta dalka gudihiisa. marka la tashigaas uu dhamaado waxaa la filayaa in labada dhinac ay wada saxiidaan heshiiskaan kama dambeysta ah ee Ahlu-sunnah Wal-jamaaca ay kula biirayso doonto Dawladda Federalka KMG Soomaaliya.
Shirkaa waxaa lagu marti-qaaday wakiilo ka kala socday beesha caalamka, IGAD, IPF iyo Dawladda Mareykanka. kooxda Ahlu-sunnah Wal-jamaaca waxay muujiyeen biseyl iyo aqoon durugsan ee ay u leeyihiin ku dhaqanka shareecada islaamka; iyadoo mashruuca is raaca labada dhinac waxaa ku baxaya xoolo gaaraya ilaa 10-Miyan oo Dollar.
Waxaa kaloo shirka uu warbixinka dhagaystay, Wasiirka Kallumeysgia iyo kheyraadka badda C/raxmaan Xaaji Aadan (ibbi) isagoo ka qayb galay shir ay Hay’adda FAO ku qabtay Magaalada Rome oo looga hadlayay Ruqso-siinta Xoolaha iyo beerista biyaha "Acquo-Culture". wuxuu kaloo wada hadal kala yeeshay ganacsato ka tirsan dalka Talyaaniga Markabka 21-ka Oktoobar oo ay hore u lahayd Dawladda Soomaaliya.
Shirka Golaha Wasiirada wuxuu maanta ansixiyay heshiis dhex-maray Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dawladda Soomaaliya iyo Shirkad Caalami ah ee Khaliija ee Maamulka iyo Maareynta Maxaajirta Xannanada Xoolaha. Goluhu wuxuu ku taliyay in heshiiska la waafijiyo shuruucda u degsan dalka Soomaaliya gaar ahaan Axdiga KMG ah ee Soomaliya.
Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya waxay galaan-gal badan u sameysay sidii xayiraada looga qaadi lahaa xoolaha Soomaaliya ee loo iib geeyo suuqyada Carabta gaar ahaan Sacuudi Carabiya. taana waa lagu guuleystay oo xilliigii xajka ee Sannadkan waxaa dalka Soomaaliya Dhoofinta Xoolaha kasoo galay lacag dhan ilaa 50-Milyan oo Dollar.
Maxaajir kan la mid ah ayaa lagu wadaa in laga furo meelo kale ee ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.
Golaha Wasiirada waxay kaloo meel mariyeen talooyin uu soo jeediyay guddi loo xilsaaray inay ka soo arrimiyaan Hab-aamuuska Doladda. qodobkaas waa la go’aamiyay iyadoo lagula taliyay guddiga soo diyaariyay inay raacaan taalooyin la soo jeediyay oo lagu toosinaya hab maamuska.
Abdulkadir Mohamoud Walayo
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya