Xaaladda deegaannka Bacaadweyn ee Goballka Mudug oo deggan iyo khasaaraha dagaalkii halkaa ka dhacay oo sii kordhaya.

Sabti, Mar, 06, 2010 (HOL) Wararka laga helayo Koonfurta Goballka Mudug ayaa sheegaya in xaalada deganaasho laga dareemayo deegaanada Bacaadweyn iyo Camaara oo labada cisho ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo culus oo u dhaxeeya labo Beelood oo halkaa wada dega.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in wali Maleeshiyada belihii halkaa ku dagaalamay is horfdhiyaan dadkuna bilaabay in ay isaga barakacaan goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale dhinacyada iska soo horjeeda is faro saaraan.

Ilaa hadda ma'jiro wax waan waan ah oo ay wadaan Odayaasha deegaanka si Colaada taagan loo soo afjaro, waxaana muuqaneysa in waliba ay adag tahay xal ka gaarista xiisadaha colaadeed ee halkaa ka taagan.
Dhinaca kale waxaa sii kordhaya khasaaraaha ka dhashay dagaalka labada beelood gaar ahaan dhimashada iyo dhaawaca uu sababay dagaallka sida laga soo xiganayo goobaha caafimaadka Goballada Mudug iyo Galgaduud.

Dhimashada ayaa lagu soo warmayaan in hadda ay gaartay in ka badan 25 ruux halka dhaawacuna gaarayo 50 ruux oo u badan dhinayda dirirtu dhaxmartay, waxaana khasaaraha dagaalka ka dhashay uu muuujinaya miisaanka dagaalka dhaxmaray labada beelood oo isku haya lahaan shaha deegaan iyo dhul daaqsimeed ku yaalah goobaha dirirtu ka dhacday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]