SHIIKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Xasan Turki malaha waxaa uu is yiri Al-shabaab ayaa ka tiro iyo tayo badan Xisbul Islaam ee ku biir"

Sabti, Mar, 06, 2010 (HOL) Shiikh Xassan Daahir Aweys oo inta badan meelaha Jicmaha u jeediyay dadka qudbado Siyaasadeysa ayaa mar kale hadal u jeediyay ku cabiray sida uu uga xun yahay go'aan uu kol hore qaatay Shiikh Xasan Turki oo ay ka wada tirsanaayeen Ururka Xisbul Islaam kana mid ahaa aas aasayaashii Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dagaallamaya gudaha dalka Soomaaliya.

Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in wax lala yaabo tahay si halka uu markiiba Xasan Turki ugu biiray Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab xili ayuu yiri uusan wax la tashi ah la samaeyn raggii ay ururka ku wada jireen.

'''Waxaa la yaab leh Xasan Turki Xitaa ma uusan ixtiraamin Eheladdii uu ka dhashay, tusaale ahaan Shiikh Axmed Madoobe waa Seediggii uma uusan naxteexeyn kalama tashan in uu ku biirayo Xarakada Al-shabaab ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ay ka muuqtay sida uu uga xun yahay kala leexashada isaga iyo Shiikh Xasan Turki.

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu carabka ku dhuftay sababta uu u maleynayo in ay keentay ku biiritaan Shiikh Xasan Turki ee Xarakada Al-shabaab '' Waxaa laga yaabaa in uu is yiri Shiikh Xasan Turki Al-shabaab ayaa ka Tiro iyo Tayo badan Xisbul Islaam ee iyaga ku biir ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in arrintaasi aheyn mid six ah.

Dhinaca kale Shiikh Xasan waxaa uu mar kale sheegay in Shiikh Axmed Max'ed Islaan (Axmed Madoobe) ka tirsan yahay Saraakisha Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu difaacay joogitaanka Axmed Madoobe dalka Kenya oo kooxaha Islaamiyiintu u arkaan dal cadow ku ah ku dhaqan Shariicada Islaamka.

''Markii ay Itoobiya naga burisay dalka dhamaanteen halkaa ayaan u cararnay sidaa daraadeed wax dhib ah uma arko joogitaanka Axmed Madoobe ee gudaha dalka Kenya ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Ururada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam hadda waxaa la dhihi karaa xiriirkoodu ma'aha mid wanaagsan, inkastoo dhinaca kale marka la eego labada Urur yihiin kuwo ka mideysan ka soo horjeedka Siyaasada Dowladda Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada AMISOM, waxaana xusid mudan in hadalada labada garab ay isku marinayaan qalabka Warbaahinta noqon karaa kuwo marka danbe meesha ka saara xiriirka aan cagaha badan ku taagneyn ee ka dhaxeeya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]