Sabti, Mar 06, 2010 (HOL) - Burcadbadeed Soomaali ah ayaa afduub u qabsaday Markab nooca kiimikada qaada ah oo laga leeyahay dalka Norway sida ay sheegtay shirkadda markabkan iska leh.
Markabkan oo ay ka socdaan 21-shaqaale ah oo u dhashay dalalka Aasiya laga afuubay meel ku dhow Jasiiradda Madagaskar ee Afrika, iyadoo burcadbadeeddu ay ula jahaysteen dhinaca biyaha Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan shirkadda Markabka iska leh.
Shirkadda Markabka iska leh ayaa sheegtay in Kabtanku uu sheegay wax yar ka hor intii aysan go'in isgaarsiinta in kooxo burcadbadeed ah ay soo fuuleen Markabka ayna afduuban yihiin.
"Markabka waxaa la socda shaqaale ajnabi ah, mana wato calanka dalkeena, sidaa daraadeed saameyn naguma yeelanayso xaaladiisa" ayuu yiri sarkaal u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Norway.
Sida la sheegay markabka ayaa kasoo furtay xeebta Fujera ee dalka Imaaraadka wuxuuna waday shixnad uu u siday dalka Tanzania, mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay kooxihii afduubka u qabsaday markabkan.
Todobaadkii hore dhammaadkiisa ayay kooxo burcadbadeed ah afduub u qabsadeen markab laga leeyahay dalka Saudi Arabia, kaasoo ay ka dalbadeen in laga siiyo lacag madaxfurasho ah oo gaaraysay 20-Milyan oo Dollar.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya