
Sabti, March 06, 2010(HOL): Waxaa shalay shir ku yeeshay Magaalada Brussels ee ay ku taallo Xarunta Midowga Yurub Mas’uuliyiin ka kala socday Midowga Yurub iyo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo shirkaasina uu ahaa mid lagu daraaseynayay Xaaladaha Siyaaso-Ammaan-Dhaqaale iyo Bani’aadannimo ee Dalka Soomaaliya.
Shirka oo hal maalin socday ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Midowga Yurub, wuxuuna ahaa mid ay dhinacyada shiray iskula jeex-jeexeen sidii wax looga qaban lahaa xaaladda dalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay ahayd markii ugu horreysay ee uu Midowga Yurub si heer sare ah u casuumo mas’uuliyiin ka socda Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa saameynta muuqata ku leh wax-ka-bedelidda xaaladda uu haatan dalka Soomaaliya ku sugan yahay.
Nuur Maxamed Maxamuud Caalin oo madax ka ah Ururka Somali Civil Society Conflict Prevention oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii shirkaas ka qeybgashay ayaa wuxuu HOL uga warramay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee shirkaas looga hadlay.
Mr. Caalin waxaa uu sheegay in kulanka labada dhinac dhexmaray oo uu furay Mr. Stefano Manservise oo ah madaxa horumarinta Midowga Yurub, isla markaana uu ka hadlay Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Africa Mr. Jose Costa Pereira uu ahaa mid muhiimad weyn lahaa, wuxuuna hoosta ka xariiqay in laga wada hadlaysuurtagalnimada in Ururrada Caalamiga ah ee ka shaqeeya Gargaarka Bani’aadannimada Soomaaliya, isla markaana Midowga Yurub hoos-taga loogu rari karo Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo markaasina loogu sameyn karo deegaan nabdoon oo ay hay’adahaas ku shaqeyn karaan.
“Shirka waxaa ka qeybgalay 37 Hay’adood oo Caalami ah, kuwaasi oo aan ka xusi karo ICG, Oxform International, Inter-Peace, Safer World, Life, Peace Institute iyo kuwo kale, dhinaca Soomaaliyana waxaa shirka ka qeybgalay hay’ado ay ka mid ahaayeen CRD, Elman, SIMAD, Somali Peace Line, Hayako, SCPN, SONSAF iyo Urro kale”ayuu yiri Nuur Maxamed Maxamuud Caalin.
Mr. Caalin waxaa uu intaas ku daray in shirka looga hadlay arrin aad u muhiim ah, taasi oo ahayd in Midowga Yurub uu dhiirigeliyo in Ciidamada Soomaaliya lagu tababaro gudaha Dalka Soomaaliya, halkii lagu tababari lahaa dalal Soomaaliya ka baxsan oo nidaamkooda ciidan uu kala duwan yahay.
“Arrintaas waxaa soo jeediyay Ururrada Bulshada Rayidka oo arkay in Ciidamo lagu soo tababaray Dalalka Itoobiya, Uganda iyo Jibouti ay soo qaateen Tababarro aan isla jaan-qaadi karin tusaale ahaan: Itoobiya waxay ciidamada ku tababartaa nidaamka ciidan ee Ruushka, halka Dowladaha Jibouti iyo Uganda-na ay ku kala tababaraan Nidaamyada Ciidan ee Faransiiska iyo Ingiriiska”ayuu yiri Nuur Maxamed Maxamuud Caalin oo intaas ku daray in Ciidamadaas Soomaaliya loo soo tababaro marka ay dalka ku noqdaan aysan suurtagal u ahayn in salaanta ciidamada si isku mid ah u bixiyaan, sidoo kalena ay Qoriga isku qaab u qaataan.
Laakin Mr. Caalin oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in soo jeedintaas ka timid Mas’uuliyiinta Ururrada Bulshada Rayidka ay noqotay mid ay mas’uuyiinta Midowga Yurub u arkeen xiligan mid aan suurtagal ahayn, waxayna taasi ku sababeeyeen iyadoo Xeryihii Ciidamada Soomaaliya oo tababarrada lagu bixin lahaa ay heystaan Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya. Hayeeshee mas’uuliyiinta Midowga Yurub waxay xaqiijiyeen in uu jiro qorshe muddo 10 sano ah socon doona, kaasi oo loogu talagalay in dib loogu dhiso Ciidamadii Soomaaliyeed, iyadoo qorshahaas uu socon doono 2010 ilaa 2020.
Arrinta kale oo shirka la iskula soo qaaday ayaa waxay ahayd in la taageero Baaqii ka soo baxay Shirkii Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee dabayaaqadii sanadkii hore ka dhacay Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya, kaasi oo ay Bulshada rayidka uga hadashay dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya iyo sida xal loogu heli karo. Sidoo kale waxaa shirka la iskula soo qaaday in la muujiyo in ay dembi tahay in shaqaalaha u shaqeeya Hay’adaha Caalamiga ah ee Gargaarka la af-duubto, isla markaana lacag madax- furasho ah laga qaato, iyadoo dadka xurmada leh ee ku nool meelaha ay falalkaas ka dhacaan loo sheegay in ay arrintaas ka hortagaan.
Wadamada Spain,Britain, Netherland, Sweden,Finland iyo kuwo kale oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxay si weyn u doonayaan in Soomaaliya dhaqaale la siiyo, ciidamada Soomaaliya lagu tababaro gudaha Soomaaliya, inkastoo la isla gartay in lagama maarmaannimada in dhaqaalaha Midowga Yurub uu bixinayo uu noqdo mid lagula xisaabtamo Hay’adaha loo marinayo, iyadoo Dowladda Soomaaliyana loogu baaqay in ay la timaado nidaam dowli ah oo leh la xisaabtan iyo cadcaddaan.
Waxaa xusid mudneyd sida uu Nuur Maxamed Caalin sheegay in shirka la iskula soo qaaday in la dhiirigeliyo Ganacsiga sida gaarka ah loo leeyahay, dhaqaalana lagu taageero, si ay dadka leh ganacsiyadaas ay ugu dhiiradaan in ay shaqooyin u abuuraan dad badan oo Soomaaliyeed oo ay shaqo la’aan ku heyso gudaha Soomaaliya.
Mas’uuliyiintii Midowga Yurub ee shirka ka qeybgashay ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen, una ammaaneen maamulka Gobolka Banaadir ee uu Madaxda ka yahay Inj. C/risaaq Maxamed Nuur (INJ. Nuune), kaasi oo uu Midowga Yurub sheegay in uu yahay nin ka yimid Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo awood u leh in uu wax ka bedelo xaaladda Gobolka Banaadir, waa haddii bey yiraahdeen madaxda Midowga Yurub loo madax bannaaneeyo awoodda maamulkiisa.
Ugu dambeyntiina, wuxuu shirka cambaareeyay dilal sanadkii hore Soomaaliya loogu geystay xubno ka tirsanaa Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kuwaasi oo u badnaa Suxufiyiin, iyadoo la soo jeediyay in Midowga Yurub uu gacan ka geysto sidii difaac loogu heli lahaa Suxufiyiinta, sidoo kalena dhaqaale lagu horumariyo xirfadahooda loogu heli lahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]