Isniin, 26, July, 2010 HOL . Wasiirrka wasaarada Warfaafinta Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa isaga oo jooga dalka isutaga Imaaraadka Carabta waxaa uu sheegay in la gaaray waqtigii wax ka badal lagu sameyn lahaa qorshaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.
C/raxmaan Yariisow waxaa uu sheegay in hadda wadamada ku shiraya Magaalada Kampalla ee dalka Uganda ka fikirayaan sidii Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya looga dhigi lahaa Nabad dhaliyayaal, halka hadda magaca ay ku howlgalaan uu yahay Nabad-ilaaliyayaal.
Wasiirku waxaa uu siweyn u soo dhaweeyay hadal uu ka jeediyay Shirka Midowgga Africa uga socda Magaalada Kampalla Wasiirrka Arrimaha dibad dalka Kenya Mosas Watangula oo sheegay in looga baahan yahay wadamada ku jirra Midowgga Africa in ay ka wada hadllaan sidii AMISOM looga dhigi lahaa kuwo soo caliya Nabada.
Hadalka Wasiirrka Wasaarrada Warfaafinta Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa ku soo beegmaya xili shirka ka socda Midowgga Africa oo galay maalintiisii labaad qodobada looga doodayo ee hor yaala uu ka mid yahay in is badal lagu sameeyo qorshaha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo waliba sidii Ciidamo dheeraad ah loogu dirri lahaa dalka Soomaaliya.
Sidoo kale ka qeyb-galayaasha shirka Midowgga Africa ayaa ka fikiraya suurtagalnimada Ciidamo dheeraad ah oo la geeyo dalka Soomaali, walow ay jiraan Dowladda bixiyay balanqaad ah in ay Ciidamo ku biirinayaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya sida Dowladda Ghana.
Inkastoo Ciidamada AMISOM ee hadda ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho yihiin kuwo ku eg uun ilaalinta Xarumaha Dowladda ayaa haddana dhinaca kale mar marka qaar la arkayaa iyaga oo qeybo ka mid ah Jidadka Muqdisho kula dagaallamaya kooxaha Islaamiyiinta ah ee sida weyn uga soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]