Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Ergayga cusub ee Qarammada Midoobay wakiil uga ah Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Dalka Uganda

Isniin, July 26, 2010 - (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo egayga cusub ee arrimaha Soomaaliya uga wakiilka ah Qarammada Midoobay Augustine Mahiga ayaa kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay dalka Uganda.
 
Sheekh Shariif iyo Mahiga ayaa waxay kulankooda diiradda ku saareen xaaladaha dalka Soomaalya ee dhinacyada siyaasadda, xaaladaha bani'aadamnimada iyo ammaanka, iyadoo kulankan ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan xafiiska Siyaasadda Qarrammada Midoobay ee Soomaaliya UNPOS.
 
Agustina Mahiga oo u dhashay dalka Tanzania ayaa lagu badalay Ergaygii hore ee UN-ka wakiilka uga ahaa arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla oo kasoo jeeday dalka Muritaaniyal, kaasoo gacan ka geystay dhismaha xukuumada uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif.
 
Mas'uuliyiintan ayaa kulankooda wuxuu ka dhacay Madasha uu ka socdo shirka Midowga Afrika oo looga hadlayo intiisa badan xaaladaha, siyaasadeed, ammaan iyo bani'aadamnimo ee Soomaaliya.
 
Wakiilka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya Augustina Mahiga ayaa u ballanqaaday Madaxweyne Sheekh Shariif inay ka saacidi doonaan Dowladda Soomaaliya sidii ay uga adkaan lahayn kooxaha Islaamiyiinta ah ee ay dagaalka kula jirto, una soo celin lahayd ammaanka guud ee dalka.
 
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya