Isniin, 26 July 2010 (HOL)- Maxaabiis qaarkood ku eedaysnaayeen falal Argagixiso, ayaa ka baxsaday Xabsiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Maxaabiistaas oo qaar ka mid ahi ay u xidhnaayeen Qaraxyo ka dhacay magaaladaas, ayaa waxa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Jeelka Laascaanood Cabdi Ciise Nuur. “Xalay (habeen hore) xerada maan joogin oo waan xanuunsanayay, waardiyena kama ahayn oo anigu gaadhna ma qabto. Laakiin, waxay wax u dhaceen, subaxnimadii hore markii Maxaabiista kaadida loo sii daayay baa ninkii waardiyaha kaga dambe ka hayay oo dhinaca musqulaha ah bay tasiilaadka ka heleen, isagiina wuu baxsaday, waxaana baxsaday laba wiil oo yaryar oo dhaqan-celis ahaan u xidhnaa iyo laba Maxbuus oo eedaysanayaal ah ayuu yidhi Taliyuhu oo u waramay Wargeyska Ogaal. “Ilaa hadeer gacan kuma hayno, wax raad ahna ma hayno, laakiin waanu daba joognaa, askariguna waa ninka hawlgalkaba fuliyay oo labada nin midkood bay isku reer yihiin, waxayna baxsadeen ilaa 5:30 subaxnimo,” ayuu yidhi Taliyaha oo la waydiiyay inay qabteen Maxaabiistaa iyo askariga ilaalinayay ee la baxsaday iyo inkale. “Kiiska dhamaystirkiisa xilligeeda ayaanu sheegi doonaa, welina iyagii (Maxaabiista baxsaday) waanu ku daba jiraa, baadhistana waanu wadnaa,” ayuu raaciyay.
Taliyuhu waxa uu sheegay in askariga uu sheegay inuu ilaalada hayay ee uu baxsaday, Maxaabiistana sii daayay uu ka tirsanaa ciidanka Xabsiga. Waxaanu ka dayriyay dhismaha Xabsigaas oo uu sheegay in xataa meelaha qaarkood dhagxaanka ku dhisani daateen.
Dhinaca kae, Badhasaab kuxigeenka gobolka Sool Maxamed Cabdi Dhimbiil (Daad), ayaa sheegay in dhacdadaa loo xidhay ilaa todobada askari oo ka tirsan ilaalada Jeelka Laascaanood, kuwaasoo ka mid ahaa ciidanka habeen hore shaqada ku jiray. “Horta aad baannu arrintaa uga xunahay, arrintaasi way jirtaa oo afar nin oo laba nin oo falal argagixiso ku eedaysan qaraxyadii ugu dambeeyey ee Laascaanood ka dhaca ay ku jireen baa baxsaday, weliba nin waxa uu ahaa ninkii qaraxa Laascaanood ku dhintay ninkii guriga ka kireeyey dammiinka ka noqday ayuu ahaa,” ayuu yidhi guddoomiye kuxigeenka Sool oo u waramay idaacadda Horyaal. “Toddoba nin oo waardiyaha lahaa xalayna (habeen-hore) way noo xidhan yihiin, inaanu qaar kale ku darnana aad baannu ugu rejoweynahay. Meel ay tageen war kama hayno, Ciidamo badan oo lug iyo gaadiidba leh baanu hawlgalinay oo kala dirnay, hawshuna way noo socotaa,” ayuu yidhi Mr. Daad. “Horta waa khasab caawimo la’aani ma jirto, in la caawinayey iyo inay wax badani jireenba waa suuragal, waayo? Dee iskamay baxsadeen haddaan cidi caawinaynin, hal Askari oo Waardiyayaasha ka mid ahaana wuu la baxsaday Maxaabiista oo wuu la maqan yahay. Markaa inay cidi caawinaysay oo ay arrintani ahayd wax laga soo shaqeeyey waa wax cad, mana aha wax hadda la is waydiin karo ee waa khasab in laga soo shaqeeyey, sababta oo ah haddaan la caawinayn may fakan kareen,” ayuu yidhi guddoomiyaha oo la waydiiyay in jirtay cid ka shaqaysay sidii Maxaabiistaasi u baxsan lahaayeen.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland
Maxaabiis falal Argagixiso u xidhnaa oo ka baxsaday Xabsiga Laascaanood
More News
- Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay suurtagalnimada in wax ka badal lagu sameeyo qorshaha howlgalka AMOSOM.
- Wafdigii ka Socday Maamulka Xarakada Alshabaab ee Jubooyinka oo kulan la qaatay Odoyaasha dhaqanka Deegaanka Dhoobley.
- Madaxwaynaha Puntland Oo Sheegay in Saraakiil Argagaxiso ah lagu Qabtay Dagaalkii Maanta Dhex Maray Dowlada Iyo Kooxo Islaamiyiin ah
- Wefti heer Wasiir ah oo Jabuuti uga yimi inay ka qayb galaan xil-wareejinta Madaxtooyada Somaliland (DAAWO SAWIRRADA)
- Qaraxyo khasaare geystay oo xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmooyinka Xamarjajab iyo Wadajir
- Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Maanta Dhex Maray Ciidamo ka
- Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo sheegay in dadka diiddan ciidamo shisheeye oo dalka la keeno ay yihiin kuwo diidan Dowladda Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo dil ka geysatay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi
- Ururka Midowga Afrika oo ka dalbaday Dowladda Koonfur Afrika inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo dil ka geysatay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.
- Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobollada Jubooyinka ee xarakada Alshabaab oo Maaanta gaaray Deegaanka Dhoobleyley ee Gobolka J/hoose.
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Ergayga cusub ee Qarammada Midoobay wakiil uga ah Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Dalka Uganda