Isniin, 26 July 2010 (HOL)- Wefti heersare ah oo ka socda dawladda Jabuuti, ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Weftigaas oo uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Jabuuti Cali Cabdi Faarax, waxa Madaarka Hargeysa ku qaabilay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Wakiillada Somaliland, koox wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda talada wareejinaysa, hoggaanka xisbiga KULMIYE, madaxdhaqameed iyo shaqsiyaad kale.
Weftiga oo ka kooban 16 xubnood oo ay ku jiraan laba wasiirka Warfaafinta iyo wasiiru-dawlaha Istaageersiga iyo horumarinta Xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelleh, isla markaana ay ka mid yihiin afar xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti, Xoghayaha guud ee Caddaalada Jabuuti iyo ganacsato dalkaas u dhashay, waxay ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa ka qaybgalka munaasibada xilwareejinta Madaxweynaha xilka sii haya iyo dhaarinta Madaxweynaha la doorty ee Somaliland. “Waxaan horkacayaa wefti balaadhan oo ka kooban wasiiro, waxa ila socda Wasiiru-dawlaha qaabilsan Iskaashiga, waxa ila socda guddoomiye ku-xigeenkii Baarlamanka Jabuuti, xildhibaano kale, saraakiil dawlada Jabuuti u shaqeeya, weftiguna 16 qof buu ka kooban yahay. Waxaanu u nimi si aanu ula ciidno umadda walaalaha aanu nahay ee reer Somaliland oo aanu kala qaybgalo munaasibada caleemo-saarka Madaxweynaha Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo sida quruxda badan ee loo doortay aanu ognahay, doorashada oo aanu ku farxnay, cidii Somaliland dhul iyo dhiig iyo walaalnimo la wadaagaysay ay ku faraxday doorashada xalaasha ah ee dawladnimada sida dimoqraadiyadda ah u dhacday.” Ayuu yidhi Cali Cabdi.
Wasiirku wuxuu Somaliland ku ammaanay hannaanka Doorashadu u dhacday. “Runtii casharka Somaliland Afrika iyo Adduunkaba u dhigtay waanu ku faraxnay haddaanu reer Jabuuti nahay, haddaanu nahay dadkii ugu dhawaa. Doorashadaa sidii aynu ogayn waatii mar aynu yar baqnay, laakiin kolay dimoqraadiyada ayaa ku jirta oo waqtiga Madaxweynuhu marka uu dhamaado tiina waynu sida ay ku dhamaatay,” ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Anagu haddaanu nahay reer Jabuuti doorashada waanu idin kula jirnay baanu odhan karnaa, waanu idinla soo jeednay, habeenkii markii doorashadu dhacaysayna waanu idin la soconay, waananu idin la soo jeednay run ahaan, waad faraxdeen, waanu idin la farxnay, waanu idiin faraxnay, waanu idinku faraxnay. Markaa wanaag iyo walaalnimo ayaanu sidnaa, Madaxweynaha iyo dawladda Jabuuti iyo shacabka reer Jabuuti ee aad walaalaha tihiin salaan kalgacal iyo hambalyo ah baanu idiinka sidnaa, sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseena waatii walaaladu uun ay kala heli jireen.”
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu muujiyay siday dawlad ahaan ugu faraxsan yihiin socdaalka weftiga heerkoodu sareeyo ee ka socda dalka Jabuuti
Ugu dambayn, Xoghayaha Khaarajiga xisbiga Kulmiye Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isna hadal kooban ka jeediyay soo dhawayntii ka dib, waxa uu u mahadnaqay weftiga reer Jabuuti. “Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda cusub ee Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu ku soo dhawaynaynaa wasiir Cali gacmo furan. Cali wuxuu yimi wadankiisii labaad, waxaananu ku soo dhawaynaynaa si farxad ah oo raynrayn leh,” ayuu yidhi Xoghayuhu. “Xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo waxay rejaynaysaa xidhiidhka ka dhexeeya dadka aanu walaalaha nahay ee reer Jabuuti inuu sii horumaro oo uu sii adkaado, waxaananu ka rajaynaynaa in iskaashiga ka dhexeeya arrimaha mandaqada ka jira hadday tahay xaga nabadgelyada, hadday tahay xaga horumarinta dimoqraadiyada, hadday xaga horumarinta arrimaha mujtamaca iyo dhaqaalaha oo aanu imikaba ka leenahay xidhiidh wanaagsan oo sokeeye oo waxqabad leh, waxaananu ku talo jirnaa in xiidhiidhkaasi uu noqda mid kobca o horumara oo ka shaqeeya sidii uu horumar looga gaadhi lahaa ummada iyo shacabka labada dale e Jabuuti iyo Somaliland ee walaalaha ah, waxaanan aad uga mahad celinayaa dawlada Jabuuti weftiga heerka sare ah ee qiimaha leh ee ay u soo dirtay Somaliland inuu nagala qaybgalo munaasibada balaadhan ee qaranka Somaliland ay ugu dabaal degayaa guushii doorashada iyo munaasibada xukunka lagula kala wareegayo labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE oo matalaya qarankii Somaliland guul bay noo tahay, waana weftigii ugu heerka sareeyey ee dunida inooga yimaada, waxayna arrintaasi muujinaysaa xidhiidhka sokeeye ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland oo aanu hadiyo jeer u taagnayn inaan horumarino, anaguna qoladayada cusub in xidhiidhkaasi uu noqdo mid taabogala, waxtar u yeesha labada geesood, waxaananu rajaynaynaa in qadiyada Somaliland ee xaga horumarka siyaasadana ay gacan wayn naga siin doonaan walaalahayaga reer Jabuuti,” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumar.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland