Wafdigii ka Socday Maamulka Xarakada Alshabaab ee Jubooyinka oo kulan la qaatay Odoyaasha dhaqanka Deegaanka Dhoobley.

Wafdigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha gobollada Jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan ee maanta gaaray deegaanka dhoobley aya kulan la qaatay odoyaasha dhaqanka deegaankaasi Dhoobley.

Kulanka ay yeesheen masuuliyiinta maamulka xarakada alshabaab ee gobollada jubooyinka iyo odoyaasha dhaqanka deegaanka dhoobley ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen odoyaasha dhaqanka deegaankaasi iyo maamulkada alshabaab ee jubooyinka.

Sheekh Abuukar Cali Aadan waaliga xarakada Alshabaab ee Gobollada Jubooyinka oo la hadlayay
Odoyaashii kasoo qeybgashay kulanka ayaa ka codsaday in ay la shaqeeyaan xarakada Alshabaab iyo weliba in ay ka qeybqaataan Dagaallada ay kula jiraan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Ururka AMISOM.

Wafdiga ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato qeybaha kale ee Bulshada ku dhaqan Deegaankaasi Dhoobley ee Gobolka J/hoose.
--
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya