Wafdigan oo ka koobnaa xubnaha ugu sareeya ee Maamulka xarakada Alshabaab ee Gobollada Jubooyinka islamarkaasina uu horkacayay waaliga Gobollada Jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa Maanta gaaray Deegaanka Dhoobley ee gobolka J/hoose.
Wararka aynu ka heleyno Deegaanka Dhoobley ayaa intaasi kudaraya in Masuuliyiinta maamulka Deegaanka Dhoobley ay si heer sare ah u soo dhaweeyay wafdigaasi ka socday Maamulka guud ee Xarakada Alshabaab ee Gobollada Jubooyinka.
Ilaa iyo haatan ma jiraan wax faahfaahin ah oo ku saabsan booqashada wafdiga Haseyeeshee xiriir ay Saxifiinta ka howlgasha gudaha Magaalada Kismaayo la sameeyeen Gudoomiyaha Gobollada Jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan oo isagu horkacayay wafdiga ayaa waxa uu sheegay in ay halkaasi u tageen si ay kulamo ula qaataan Masuuliyiinta Maamulka Deegaanka Dhoobley, Odoyaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka ku sugan Deegaankaasi Dhoobley.
Wixii warar ah ee kasoo kordha booqashada wafdiga ee deegaanka dhoobley dib ayaanu idinka soo gudbin Doonaa Insh’allah.
--
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobollada Jubooyinka ee xarakada Alshabaab oo Maaanta gaaray Deegaanka Dhoobleyley ee Gobolka J/hoose.
More News
- Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay suurtagalnimada in wax ka badal lagu sameeyo qorshaha howlgalka AMOSOM.
- Wafdigii ka Socday Maamulka Xarakada Alshabaab ee Jubooyinka oo kulan la qaatay Odoyaasha dhaqanka Deegaanka Dhoobley.
- Madaxwaynaha Puntland Oo Sheegay in Saraakiil Argagaxiso ah lagu Qabtay Dagaalkii Maanta Dhex Maray Dowlada Iyo Kooxo Islaamiyiin ah
- Maxaabiis falal Argagixiso u xidhnaa oo ka baxsaday Xabsiga Laascaanood
- Wefti heer Wasiir ah oo Jabuuti uga yimi inay ka qayb galaan xil-wareejinta Madaxtooyada Somaliland (DAAWO SAWIRRADA)
- Qaraxyo khasaare geystay oo xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmooyinka Xamarjajab iyo Wadajir
- Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Maanta Dhex Maray Ciidamo ka
- Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo sheegay in dadka diiddan ciidamo shisheeye oo dalka la keeno ay yihiin kuwo diidan Dowladda Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo dil ka geysatay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi
- Ururka Midowga Afrika oo ka dalbaday Dowladda Koonfur Afrika inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo dil ka geysatay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Ergayga cusub ee Qarammada Midoobay wakiil uga ah Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Dalka Uganda