Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Maanta Dhex Maray Ciidamo ka

Isniin, July 26, 2010 - (HOL) -Ugu yaraan 4  askari  ayaa ku geeriyootay 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen Dagaal maanta dhex maray Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo Islaamiyiin Taabacsan Shiikh Maxamed Siciid Attam  oo la sheegay in ay ka amar qaataan Alshabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel  ku dhow Tuulada Laag oo aan wax badan ka fogayn magaalada Bosaaso ,waxaana weerarka ku horeeyay   ciidamada Sheekh Attam ee ku sugan deegaanka Gal-Gala.

Askarta ku waxyeeloowday dagaalkaasi ayaa maanta  barqadii la soo gaarsiiyay Cisbitalada kala duwan ee Bosaaso si xaaladooda Caafimaad loo dabiibo,mana jiro khasaare dhimasho oo si rasmi ah loo cadayn karo ,kaasi oo gaaray Ciidamada Sheekh Attam.

Wariye Maahir Jaamac oo ku sugan Bosaaso ayaa HOL u xaqiijiyay in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada ,isla markaana ay Ciidamada bilaabeen gurmad xoog leh oo la xiriira ka hortagida dagaalka labada dhinac u dhaxeeya.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in khasaaruhu uu intaa ka badan karo,waxaana saraakiisha dowlada ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dagaalka maanta ka dhacay Bosaaso oo ahaa mid xoogan.

Ugu danbayntii Madaxwaynaha Puntland ayaa dhawaan sheegay in xubno ka tirsan Alshabaab ay joogaan Puntland ,isla markaana dagaal lala gali doono,xilli aan la ogayn sida ay ku dhamaan doonto colaada u dhaxaysa labad dhinac.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]