Kooxo hubeysan oo dil ka geysatay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi

Isniin,  26, July, 2010 (HOL)  Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen mid ka mid ah Tukaamada ku yaala Wadada 8-aad ee Xaafada Islii ay ku dhinteen Labo ruux oo Soomaali ah iyaga oo sidoo kalana dhac u geystay qaar ka mid ah gadiidkii yiilay goobta ay weerareen.

Dhimashada Labada ruux ayaa timid kadib markii kooxaha weerarka soo qaaday oo gaarayay ilaa 15 qof muran dhaxmaray Ilaalo joogtay goob aan ka fogeyn Tukaanka weerarka lagu soo qaaday taasoo sababtay in ay dilka geystaan kooxaha hubeysan oo markii danbe goobta ka baxsday.

Sidoo kale kooxo burcad ah ayaa lagu waramayaan in ay dhac u geysteen guri uu lahaa Nin Taksiile ah kadib markii shaqsiga gurigiisa la dhacay markii hore kooxaha hubeysan ka Kireyteen gaariga iyaga oo markii danbana ku qasbay in uu geeyo gurigiisa taasoo keentay in ay dhacaan xitaa guriyihii ka ag-dhawaan guriga Taksiilaha.

Warbixinta ku saabsan dhaca kooxaha burcada ah ayeey wararku sheegayaan in Saacado ka hor lagu wargaliyay Dowladda, laakiin Ciidamada Baliiska ayaa goobta soo gaaray Labo Saac kadib markii uu falku dhacay, taasoo keentay in aan laga hor tagin falka ay ku kaceen kooxaha burcada ah.

Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi waa Xaafada ay si aad ah ugu badan yihiin Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi, waxaana xusid mudan in dadka Soomaalida ah halkaa ka sameysteen goobo ganacsi oo kala duwan inkastoo haddana ay faro badan yihiin dhibaatooyinka ka soo wajaha kooxaha burcada ah ee mar marka qaar weerarada ku qaada Meheradaha ganacsiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]