Qaraxyo khasaare geystay oo xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmooyinka Xamarjajab iyo Wadajir

Isniin, July 26, 2010 (HOL) - Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya waxaana ku dhaawacmay 7-qof oo ay ku jiraan dad shacab ah, kaddib markii laba qarax lagula eegtay xalay degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo aan la ogeyn cidda ka dambeysa, isla markaana aysan jirin cid sheegatay ayaa waxay ka kala dhaceen Xaafado ka tirsan labadan degmo oo ay maamusho DOwladda Soomaaliya, dadka ku dhaawacmay qaraxyada la gaarsiiyay saakay Isbitaalka Madiina.

Degmada Wadajir oo uu ka dhacay qaraxii koowaad ayaa waxaa ku dhintay laba askari, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo shacab ah, iyadoo qaraxii labaad oo ka dhacay Degmada Xamarjajab uu sababay dhaawaca 3-qof oo ay ku jiraan laba askari.

Howlgallo ay saakay ka sameeyeen ciidamada Dowladda degmooyinka qaraxyada lagula beegaday ayya kusoo qabqabteen dad rayid ah, waxaana dadka deegaanka qaarkood ay sheegeen inay walaac xooggan ka qabaan qaraxyada deegaannadooda kusoo laalaabtay.

Degmooyinka Xamarjajab iyo Wadajir ayaa waxay ka mid yihiin 6-da degmo ee ay gacanta kaga hayso Dowladda Soomaaliya Gobolka Banaadir, waxaana inta badan ka dhaca qaraxyo khasaare geysta, kuwaasoo lagu weeraro Mas'uuliyiinta Dowladda iyo ciidamada, waxaana qaarkood sheegta Xarrakatul Shababa.

Mas'uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin qaraxyada lala beegsaday ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya