Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo sheegay in dadka diiddan ciidamo shisheeye oo dalka la keeno ay yihiin kuwo diidan Dowladda Soomaaliya

Isniin, July 26, 2010 (HOL) - Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay isagoo u warramayay Idaacadda Shabelle wuxuu sheegay in dadka diiddan in ciidan shisheeye oo la keeno Soomaaliya ay yihiin kuwo diiddan Dowladda Soomaaliya, xiriirna la leh Kooxo shisheeye oo argagaxiso ah.

"Soomaaliya ma dhisan karto ciidan awood u leh inay ammaanka sugaan, iyadoo aan la keenin ciidamo dalka xasiliya" ayuu yiri Salaad Cali Jeelle, oo intaas ku daray in Beesha caalamka looga baahan yahay inay ciidan wax ka qabta dhibaatada dalka ka jirta ay u soo diraan Soomaailya.

Mudane Jeelle wuxuu sheegay in dadka diidan ciidamada shisheeye ay yihiin kuwo xiriir la leh Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururro kale oo caalami ah, isagoo xusay in haddii aysan Soomaaliya joogi lahayn ciidamada AMISOM aysan jirteen wax dowlad la yiraahdo.

"Ciidamada DOwladda Soomaaliya awood uma lahan inay iska difaacaan Xarrakatul Shabaab iyo ciidamada ka barbar-dagaalama, waxaa calaamka looga baahan yahay inay badbaadiyaan jirtaanka Dowladda Soomaaliya" ayuu mar kale yiri Jeelle oo sheegay in Xarraaktul Shabaab iyo XIsbul Islaam ay wataan dagaalayahanno shisheeye ah.

Dhanka kale, wuxuu ciidamada Dowladda ku eedeeyay inaysan qaab ciidan u dhaqmin, isagoo sheegay inay qaarkood dhuuntaan, halka kuwa kalena aysan u difaacin dowladda sidii looga baahnaa, isagoo ka codsaday Madaxda Dowladda inay nidaamka ciidanka hagaajiyaan.

Hadalkan mudanahan ayaa imaanaya kaddib hadal uu shalay Muqdisho ka sheegay wasiirkii u dowlihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Indhocadde oo sheegay inuu noqonayo qofka ugu horreeya ee la dagaalamaya haddii ay ciidamada Itoobiya kusoo laabtaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya