Isniin, July 26, 2010 (HOL) - Ururka Midowga Afrika ayaa ka dalbaday dalka Koonfur Afrika inay ciidamo nabad ilaalin ah oo xoojiya kuwa AMISOM ee ,ku sugan Muqdisho ay u diraan Soomaaliya, waxaana warkan maanta oo Isniin ah shaaciyay Telefishinka Koonfur Afrika ee SABC.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay qayb ka qaadan doonaan difaacidda Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka horjeeda sida Xarrakatul Shabaab oo sidoo kale dagaal kula jirta ciidanka AMISOM ee Muqdisho ku sugan.
Ururka Midowga Afrika ayaa ku sheegay in ciidamada Koonfur Afrika la doonayo inay kordhiyaan ciidanka ka socda Burundi iyo Uganda ee ku sugan Muqdisho, kuwaasoo haatan ay tiradoodu tahay 6,000-askari, isla markaana gacanta ku haya goobaha muhimka ah sida Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo ka hadlay codsigan ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu ka qaybgalo dadaal walba oo lagu dhameynayo colaadaha Soomaaliya, isagoo xusay in qaraxyadii ka dhacay Kampala ay ahaayeen kuwo caddeyn u ah khatarta soo socota.
Shirka Midowga Afrika ayaa la qorsheynayaa in lagu badalo howlgalka ciidamada AMISOM ee Muqdihso jooga, iyadoo codsigan lagu soo beegay xilli ay dalalka Midowga Afrika ka hadlayaan inay kordhiyaan ciidamada kaga sugan Soomaaliya si ay dagaal ula galaan Xarrakatul Shabaab.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho oo maalin walba dagaal kala kulma Islaamiyiinta hubeysan ayaa waxay ka socdaan dalalka Burundi iyo Uganda, iyadoo dalal ay ka mid tahay Jabuuti ay sheegeen inay u dirayaan ciidamo dheeraad ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ururka Midowga Afrika oo ka dalbaday Dowladda Koonfur Afrika inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya
More News
- Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay suurtagalnimada in wax ka badal lagu sameeyo qorshaha howlgalka AMOSOM.
- Wafdigii ka Socday Maamulka Xarakada Alshabaab ee Jubooyinka oo kulan la qaatay Odoyaasha dhaqanka Deegaanka Dhoobley.
- Madaxwaynaha Puntland Oo Sheegay in Saraakiil Argagaxiso ah lagu Qabtay Dagaalkii Maanta Dhex Maray Dowlada Iyo Kooxo Islaamiyiin ah
- Maxaabiis falal Argagixiso u xidhnaa oo ka baxsaday Xabsiga Laascaanood
- Wefti heer Wasiir ah oo Jabuuti uga yimi inay ka qayb galaan xil-wareejinta Madaxtooyada Somaliland (DAAWO SAWIRRADA)
- Qaraxyo khasaare geystay oo xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmooyinka Xamarjajab iyo Wadajir
- Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Maanta Dhex Maray Ciidamo ka
- Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo sheegay in dadka diiddan ciidamo shisheeye oo dalka la keeno ay yihiin kuwo diidan Dowladda Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo dil ka geysatay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi
- Kooxo hubeysan oo dil ka geysatay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.
- Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobollada Jubooyinka ee xarakada Alshabaab oo Maaanta gaaray Deegaanka Dhoobleyley ee Gobolka J/hoose.
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Ergayga cusub ee Qarammada Midoobay wakiil uga ah Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Dalka Uganda