
Khamiis, 23 December, 2010 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta maxkamad soo taagtay lix nin oo u dhashay dalka Ruushka oo shaqaale ka ah Diyaarad saanad Milatari sidday oo ku xanniban Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.
Dhegaysiga dacwadda raggan ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay Maxkamadda Gobolka ee Hargeysa, ayaa xeer-ilaalinta Somaliland waxay nimankan ku soo oogtay dacwad la xidhiidha diyaaradda ay shaqaalaha ka yihiin iyo agabka ay siddo. Waxaanay ku eedaysay inay ku xad-gudbeen sharciga u yaala Somaliland, isla markaana ay doonayeen in ay mariyaan hub iyo agab Milatari. Waxa kale oo ay Xeer-ilaalintu raggan ku eedaysay inay jebiyeen cuna-qabataynta dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya, oo ay sheegeen inay buriyeen.
Dhegaysiga dacwaddan oo dadka u furnayd, ayaa intii lagu gudo-jiray, waxa Maxkamadda horteeda lagu dhaariyay markhaatiyadii dacwadda ku furayay Ragga, kuwaas oo sheegay inay raggu ka been-sheegeen alaabta saaran Diyaaradda oo ay xuseen inay markii hroe ku sheegeen dhar iyo agab caadi ah, balse ay markii dambe noqdeen saanad Milatari.
Dhinaca kale, dhegaysiga dacwaddan oo ah markii labaad ee la dhegaysto, ayaa sidoo kale waxa goobta ku sugnaa qareenka u doodaya raggan, waxaanay Maxkamaddu ka dalbatay in raggan oo qaarkood ay sheegeen inay dhaaranayaan ay maalinta sabtida ah u soo diyaar-garoobaan in la dhaariyo, Dhegaysiga oo socday muddo saddex saacadood ah, ayaa loo ballamay in la sii amba-qaado maalinta sabtida.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore xabsiga uga sii daysay laba qof oo u dhashay dalka Koonfur-Afrika, kuwaas oo la socday diyaaraddan, isla markaana la sheegay in la soo caddeeyay inay yihiin Suxufiyiin, hase ahaatee, diyaaraddan oo xukuumadda Somaliland sheegtay sidda qalab Milatari ayaa u sii jeedday dhinaca maamul-gobolleedka Puntland.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland