
Sawirrada labada wiil ee ay la sii daayay marki dambiga lagu waayay: Xusuuqda sawirka: Stuart McEvoy
Khamiis, 23 December, 2010 (HOL) − Maxkamadda sare ee dalka Australia ayaa ku heshay maanta oo Khamiis ah, saddex qof oo mid ka mid ah uu Soomaali yahay inay ku lug lahaayeen weerarro la qorsheynayay in qaado saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Seydney, waxaana lasii daayay laba qof oo Soomaali ah oo la sheegay in dambi lagu waayay.
Dacwadda loo haysto saddexdan nin, ayaa waxaa lagu dhageystay maxkamad ku taalla magaalada Melbourne, kuwaasoo ciidammada dalkaas ay kasoo xirxireen guryahooda bartamihii sannadkan, markii ay heleen warar ku saabsan arrintan.
Wiilka Soomaaliga ah ee lagu helay dambiga, ayaa lagu magacaabaa Saney Edow Aweys oo 27-jir ah, iyadoo labada nin ee kale oo u dhashay dalka Lubnaan iyagana lagu kala magacaabo Wissam Maxamuud Fatal oo 34-jir ah iyo Na'if Al-Sayd oo 26-jir ah.
"Islaamka waa diinta aan rumeysanahay, waad mahadsan tahay" ayuu yiri Fatal oo ku jira gaari ay booliisku lahaayeen, isagoo intaas raaciyay: "Haddii aan helo jid aan ku dili karo askarta, waxaan Alle ugu dhaaranayaa inaan dili doono."
Sidoo kale, maxkamadda ayaa sheegtay in labada wiil ee Soomaalida ah ee ay sii daysay lagu waayay dambiyadii lagu eedeeyay, kuwaasoo kala ah: C/raxmaan Maxamuud Axmed oo 26-jir ah iyo Yacquub Khayre oo 23- jir ah, iyadoo la geeyay guryihii ay ka daganaayeen Melbourne.
"Waxaan filayaa inay cadaaladdu si wanaagsan u shaqeysay," ayuu yiri Axmed oo ka mid ah dhallinyarada lasii daayay, xilli uu la hadlay saxaafadda isagoo kasoo baxay maxkamadda, waxaana xilligaas wajigiisa ka muuqday farxad weyn.
Sidoo kale, Axmed ayaa ku boorriyay saddex saaxiib ee dambiga lagu helay inay dul-qaad sameeyaan, ayna ogaadaan inay maalin uun kasoo bixi doonaan xabsiga, isagoo yiri: "Waxaan rajeynayaa inay maalin uun xabsiga dibadda uga soo baxayaan".
Xukunka dhallinyarada dambiga lagu helay, ayaa waxaa dhici doona marka laga soo laabto dabaaldagyada sannadka cusub ee 2011, sida ay sheegeen qaaliyadda maxkamadda go'aankan gaartay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya