Khamiis, 23 December, 2010 (HOL) − Burcadbadeed Soomaaliyeed, ayaa afduub ku qabsaday xalay dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen iyo afar badmaax oo saarnaa, sida ay maanta oo Khamiis ah ay shaacisay saxaafadda dalka Yemen.
Warka ay saxaafaddu baahisay oo laga soo xirgtay ururro ka shaqeeya badaha dalkaas ayaa lagu sheegay in afduubku uu ka dhacay meel ku dhow Jasiiradda Socotra, ayna kooxaha afduubka geystay ula dhaqaaqeen doonida kalluumeysi dhinaca waqooyi-bari ee xeebaha Soomaaliya.
Sidoo kale, wararka ayaa intaas intaas ku daraya in kooxaha afduubka geystay ay doonayaan inay doonida u adeegsadaan inay ku afduubaan maraakiibta kale ee maraya gacanka Cadan iyo badweynta Hindiya.
Badmaaxiinta, lagu afduubay doonida, ayaa lagu kala Maxamed Axmed Xamaad, Ciise Sacad Nuur, Axmed Cabdalla Siciid iyo Saalim Saalamiin, iyadoo la sheegay in badmaxiintu ay caafimaad qabeen markii doonida la afduubayay, balse aan war kale laga helin war kale oo xaaladdooda ku saabsan.
Milkiilaha doonidan iska leh oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Ciise Qaasim, ayaa sheegay in kooxaha doonida afduubay ay wateen dooni nooca dheereeya ah, balse ma uusan sheegin milkiiluhu inay xiriir la sameeyeen kooxaha afduubka geystay iyo in kale.
Doonidan kalluumeysi iyo badmaaxiinta, ayaa waxay ka mid noqonayaan in ka badan 20 gaadiid-badeed iyo shaqaalihii la socday oo lagu haysto biyaha Soomaaliya, oo lagu xiray sii dayntooda malaayiin Dollar oo madaxfurasho lacageed ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya