Dowladda Uganda oo sheegtay inay ciidammo dheeraad ah u dirayso dalka Soomaailya si ay xoojiyo AMISOM

Khamiis, 23 December, 2010 (HOL) − Dowladda Uganda, oo 4,500-askari ay ka joogaan Soomaaliya, ayaa sheegtay inay 1,800-askari oo dheeraad ah u dirayso dalka Soomaaliya, kuwaasoo tababar ciidan ku dhameystay deegaanka Nakaseke, si ay u xoojiyo AMISOM.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa ammaan ujeediyay ciidanka dalkiisa ee ka midka ah AMISOM, isagoo sheegay inay kaalin wanaagsan kaga jiraan howlgalka lagu raadinayo nabadda Soomaaliya.

"Waxaan doonayaa, inaan salaamo ciidammada (Uganda) ee Muqdisho ku sugan, kuwaasoo qaybta ka ah howlgalka AMISOM. waxay magac wanaagsan u soo jiideen dalka Uganda, gobolka iyo caalamka oo dhan," ayuu yiri Museveni.

Taliyaha ciidammada dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairima, ayaa isna sheegay in ciidankoooda ay haatan leeyihiin awooddii ay uga qaybqaadan lahaayeen howlaha nabad ilaalineed ee qaaradda iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Uganda, ayaa waxay go'aankeedan kusoo beegtay xilli golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay uu isku raaceen in tirada ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya iyo waqtiga howlgalkooda la kordhiyo.

Hoggaamiyaha Uganda, ayaa maalin ka hor sheegay inaysan damacsanayn inay kala baxaan ciidammadooda dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale xusay in qaraxii Nairobi ka dhacay uusan ahayn mid lagu baqdin gelin karo dalka Uganda.

Qaraxii Nairobi oo ay ku dhinteen 76-qof oo shacab ah, ayaa waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay Xarrakatul Shabaab, waxaana afhayeenkooda uu ku sheegay mid ay ugu aargudayeen dadka ay ciidammada AMISOM ku dilayaan madaafiicda ay ku duqeeyaan Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya