Xubnaha Baarlamaanka oo kulan ay ku yeesheen Muqdisho loogu qaybiyay qoraalka Miisaaniyadda dalka

Khamiis, 23 December, 2010 (HOL) − Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa loo qaybiyay warqado lagu qeexayo miisaaniyadda sannadka 2011, si ay uga soo doodan saddex maalmood u soo akhristaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulankii maanta shir guddoominayay, ayaa xirtaankii kulankii sheegay in maalinta Isniinta ah cod loo qaadi doono miisaaniyadda ay xukuuumaddu soo gudbisay, isagoo ka codsaday xubnaha baarlamaanka inay dhammaantood kasoo qaybgalaan kulanakaas.

"Maanta, baarlamaanku wuxuu isugu yimid inuu isla arko miisaaniyad sannadeedka 2011 oo ay xukuuumadda Soomaaliya soo gudbisay, waxaana loo codeyn doonaa maalinta Isniinta ah, waayo waa arrin muhiim oo ku xiran ammaanka dalka," ayuu yiri Shariif Xasan.

Afhayeenka Baarlamanku, wuxuu sheegay in nabadda dalka soo celinteeda ay ku xiran tahay dhaqaale la helo, sidaa daraadeedna mudane walba laga doonayo inuu u qaato maalinta Isniinta inay tahay maalin muhiimad gaar ah u leh dadka, dalka iyo dowladda Soomaaliyeed.

"Mudanayaashu, xaq ayay u leeyihiin inay diidaan ama ay ogolaadaan, waa inay si wanaagsan u soo akhriyaan qoraalka miisaaniyadda, ayna kasoo qaybgalaan kulan dhacaya Isniinta si codka loogu qaado," ayuu yiri Shariif Xasan.

Xildhibaannadii kulanka maanta soo xaadiray oo tiradoodu ku dhaweyd 300-mudane, ayaa waxay u ahayd markii ugu horreysay oo ay kulan ku yeeshaan Muqdisho, wixii ka dambeeyay markii codka kalsoonida la siiyay xukuumadda, mana jirin wax fowdo ah oo ka dhacay gudaha baarlamaanka intii uu kulanku socday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya