Khamiis, 23 December, 2010 (HOL) − Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay yihiin askarta dowladda Soomaaliya, ayaa ku dhintay dagaallo kala duwan oo maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen iskahorimaadydan toddoba qof oo kale.
Dagaalka hore, oo dhexmaray ciidammada AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab, ayaa si lama filaan ah uga qarxay jidka Maka Al-Mukarrama, kaasoo ah jidka ugu muhiimsan ee ay dowladdu Soomaaliya isticmaasho, kaddib markii weerar lagu qaaday guriga shaqaalaha oo ay daggan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka AMISOM.
Goobjoogayaal, ayaa sheegay inay arkeen dhimashada hal qof iyo dhaawaca saddex qof oo kale, kuwaasoo dhamaantood ahaa shacab ay madaafiicdu kula dhacday xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Holwadaag.
Inkastoo aan la ogeyn, khasaaraha kala gaaray labada dhinac, ayaa haddna waxay dagaalkooda u adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana madaafiicda qaar ay ku dhaceen agagaarka suuqa weyn ee Bakaaraha.
Dagaal kale, oo u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa a dhacay kaam ku dhow isbitaalka Banaadir, kaasoo sababay dhimashada laba askari iyo dhaawaca afar kale, kuwaasoo ka mid ahaa ciidammadii dagaalku dhexmaray.
Goobjoogayaal kale, ayaa u sheegay HOL in dagaalku uu ka bilowday muran soo dhexgalay labada ciidan, kaasoo salka ku hayay teendhooyin laga dhisayay kaam cusub oo ay dhawaan dageen dad barakacayaal ah.
Dhaawacyada askarta, wax ku noqday dagaalka ayaa la dhigay isbitaalka Madiina, iyadoo dagaallada ay kusoo badanayaa ciidamada dowladda dhexdooda, iyadoo la ogyahay in maalin ka hor dagaal ciidammada DKMG ah kawada tirsan uu ka dhacay agagaarka tiyaarkii Muqdisho, kaasoo sababay dhimashada askari iyo dhaawaca mid kale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya