Ciidammada Ammaanka Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo xirixray tiro dad ah

Khamiis, 23 December, 2010 (HOL) − Howlgallo ay sameeyeen ciidamada amaanka maamulka islaamiga ah ee degmada Kismaayo ayay kusoo qabqabteen tiro dad ah oo ku eedeysnaa dambiyo kala duwan.

Dadka lasoo qabtay ayaa isugu jiray dad iyagu qaad ku dhex iibinayay gudaha magaalada Kismaayo iyo qaar kale oo ku eedeysan in ay xiireen garka kuwaas oo dhamaantoodba loo taxaabay xabsiga dhexe ee degmada
Kismaayo.

Sarkaal katirsan saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo ayaa HOL u xaqiijiyay in dadka lasoo qabtay ay kor u dhaafayaan ilaa 20 qof, waxana uu sheegay in la dhigay xabisga dhexe ee degmada Kismaayo kadibna lasoo taagi doono si loo marsiiyo wax ay ka qabto shareecada Islaamka.

Ciidamada amaanka maamulka Kismaayo ayaa mudooyinka danbe gudaha magaalada ka dhex wada howlgallo ay ku baadigoobayaan dadka ka horyimaada awaamiirta maamulka, waxaana intii ay howlgalladaasi
socdeen lagu soo qabqabtay dad badan.

Ma ahan marki ugu horeeysay ee ciidamada amaanka maamulka Kismaayo ay soo qabqabtaan dad ku eedeysan danbiyo ceynkan oo kale ah, horaantii bishii aynu soo dhaafnay ayay ahayd mar ay ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen ku dhowaad ilaa 50 haween ah oo ku eedeynaa in ay qaad ku dhex iibinayeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya