Khamiis, 23 December, 2010 (HOL) − Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta waxay Muqdisho ku yeelan doonaan kulan ay kaga doonayaan miisaaniyadda Dowladda, taasoo bishan horraanteedii ay soo meelmariyeen golaha wasiirrada, loona soo gudbiyay baarlamaanka.
"Kulanka baarlamaanka ee maanta, waxaa looga doodi doonaan miisaaniyadda ay xukuumadda soo gudbisay, waxaana dhici karta in qodobbo kale looga hadlo," ayuu saxaafadda u sheegay saakay mudane Cumar Isloow Maxamed.
Mudane Isloow, oo ka mid ah xoghayeyaasha baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaannada loo qaybin doono qoraallada miisaaniyadda, kaasoo ay horay u soo indha-indheeyen guddiga maaliyadda ee baarlamaanka.
Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa kulammo yeelan tan iyo bishii hore markaasoo xukuumadda codka kalsoonida ah lasiiyay, iyadoo aanay jirin wax fasax ah oo baarlamaanka la siiyay, iyadoo kulanka maanta uu guddoominayo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan oo safarrro dibadeed kasoo laabtay.
Dowladda Soomaaliya, ayaa soo bandhigtay bishan gudaheen miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2011, taasoo ay horay isugu soo raaceen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya. Iyadoo baarlamaanka loogu soo gudbiyay inay ansixiyaan.
Miinaaiyadda, ay dowalddu soo bandhigtay ayaa wuxuu cadadkeedu yahay 100-Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, waxaana ay meel-mar noqon doontaa marka ay xubnaha baarlamaanku ansixiyaan.
Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta dowladda Soomaaliya, ayaa xilligii uu gudbinayay miisaaniyadda, wuxuu sheegay inay kordhin doonaan goobaha ay dowladdu ka hesho miisaaniyadda, wuxuuna xusay inay cashuuraad ka doonaan shirkadaha isgaarsiinta kuwa Xawaaladaha iyo ganacsiga kala duwan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya