Khamiis, 23, Dec, 2010 (HOL) Wararka laga hellayo goballka Mudug gaar ahaan degmada Xarardheere ayaa sheegaya in habeenimadii xalay isaga baxeen dhamaan ciidamadii Xisbiga iyo Saraakiishoodii kuwaasoo bilihii ugu danbeeyayba ku sugnaa degmada Xarardheere ee goballka Mudug.
Warka ku saabsan in xoogaggii Xisbul Islaam ee ku sugnaa Xarardheere halkaa isaga baxeen ayaa waxaa warbaahinta u sheegay wasiirrka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Baasto oo sheegay in ay heleen warka arintaa ku saabsan.
Dhinaca kale madaxa warfaafinta Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha Soomaaliya Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi ayaa sheegay in Saraakiil iyo xoogag hubeysan oo ka tirsanaa Xisbul Islaam-kii Xarardheer isku soo dhiibeen maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee goballka Galgaduud.
Al Qaadi waxaa uu intaa ku darray in tirada isa soo dhiibtay ay gaarayaan ilaa 30 Askari oo ay ku jiraan horjoogayaashoodii, isaga oo intaa raaciyay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay dhinaca maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.
Warka ku saabsan in xoogaggii Xisbul Islaam ee gacanta ku hayay Xarardheere halkaa isaga baxeen ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay la wiiqay awoodii ururka Xisbul Islaam oo hadda u muuqda mid bur buray.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya