Khamiis, 23 December, 2010 (HOL) − Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa isku raacay shalay oo Arbaco ahayd kaddib kulan ay ka yeesheen arrimaha ciidammada AMISOM, in tirada ciidammadaas la kordhiyo, sidoo kalena la kordhiyo xilli howleedkooda Soomaaliya.
Go'aanka, ayaa lagu sheegay in ciidammada AMISOM oo tiradoodu tahay 8,000-askari lagu daro 4,000-askari oo cusub, si ay tiradoodu u noqoto 12,000-askari, inkastoo aan la sheegin dalalka ay ka imaanayaan ciidammadaas.
Sidoo kale, go'aanka golaha ammaanka uu isku raacay ayaa lagu sheegay in tirada xilliga ay ka howlgalayaan ciidammada AMISOM oo ku ekaa 31-ka bisha Jannaayo ee soo socda laga dhigo tan iyo bish September ee sannadkan.
Ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, oo ka socda dalalka Burundi iyo Uganda, ayaa waxay dowladda ka difaacaan weerarrada kaga imaanaya Xarrakatul Shabaab oo doonaysa inay afka ciidda u darto, waxaana sidoo kale ay gacanta ku hayaan goobaha muhimka ah sida Dekedda, Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada.
AMISOM, ayaa sannad walba waxay heshaa lacago gaaraya 130-milyan oo Dollar, si ay howlaha ay ka hayso Soomaaliya ugu socodsiiso. Sidoo kale kulankii go'aanka lagu gaaray loogama hadlin in isbadal lagu sameeyo howlka AMISOM iyo in kale.
Danjiraha dalka Uganda u fadhiya Qarammada Midoobay Ruhakana Rugunda, ayaa sheegay ka dalbaday dowladda Soomaaliya, inay dadaallo u gasho sidii ay kooxaha kasoo horjeeda ugu qancin lahayd inay la hadlaan, si ay u wada-shaqeeyaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya