Khamiis, 23 December, 2010 (HOL) −Ciyaaraha galabta ka dhacay garoonka Mire ayaa waxaa ka haray labo gobol oo ku jiray Group B ,waxaana ay kala yihiin Gedo iyo Sool ,bacdamaa maanta labadoodaba laga badiyay.
Afarta kooxood ee kulmay ayaa kala ahaa Banaadir Vs Gedo iyo Mudug Vs Sool,waxaana ciyaarahaasi ay ahaayeen kuwa aad u xiisa badan oo loo soo daawasha tagay.
Ciyaartii ugu horaysay ayaa waxa ay dhexmartay xulalka Sool iyo Mudug oo labaduba soo bandhigay ciyaaro wanaagsan oo aad looga helay ,hase ahaate waxaa ciyaarta ay ku soo dhamaatay bar-bar dhac ,taasi oo natiijada ka dhigaysa in gobolka Mudug uu u soo gudbay wareega 8-aad ee tartanka Mudug 1-1 Sool

Goolka ay heleen gobolka Mudug oo qaybtii hore ee ciyaarta la dhaliyay ayaa waxaa u saxiixay laacibkooda Ciise oo dhanka weerarka u qaabilsan ,halka gobolka Sool uu goolka bareejdada ah u keenay laacibkood Xini
Waxaa goorsoorihii ciyaarta hayay uu bixiyay dhowr kaar oo digniin ah ,waxaana muuqatay in laga awood roonaa xulka gobolka Sool oo maanta gabi ahaanba haray.
Kulankii kale ee xiisaha badnaa ayaa galabta dhexmaray gobollada Banaadir iyo Gedo,waxaana kulankaasi uu ku soo dhamaaday Banaadir 3-2 Gedo,iyadoo ay isa soo tarayaan kooxaha isaga haraya gabi ahaanba koobka ka soconaya magaalada Garowe.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya