WASIIRKA AMNNIGA QARANKA : “Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow hadalka ka soo yeeray waa mid isaga uun ku kooban, Maamulka Goballka Hiiraan waa mid ku xiran Dowladda Soomaaliya”

Talaado, 1, Sep, 2009 (HOL) Wasiirka Wasaarada Amnniga Qaranka Dowladda Soomaaliya C/llaahi Max'ed Cali (Sanbaloolshe) oo jawaab ka bixinayay hadal maalintii shalay ka soo yeeray Guddoomiyaha Maamulka Goballka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa sheegay in warkaasi yahay mid ku kooban Guddoomiyaha oo kaliya islamarkaana Bulshada ku dhaqan Goballka Hiiraan iyo Mas'uuliiyinta kaleba ku xiran yihiin Dowladda Soomaaliya.
 
Wasiirku waxaa uu intaa ku daray in marka loo sii fiirsado hadalka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow laga dareemi karo in arrimuhu ku eg yihiin cabasho oo kaliya iyo in Maamulka Goballka Hiiraan uu Dowladda ka waayay kaalintii uu ka filayay, waxaana uu intaa raaciyay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay in si dhab ah wax looga qabto mushaar la'aanta soo food saartay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Goballka Hiiraan.
 
"Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow waa shaqi kaliya, hadii ay arrimihiisu yihiin kuwo shaqsi ah isaga ayeey u gaar tahay, laakiin hadii ay arrintu tahay mid ku saleysan Mustaqbalka iyo aayaha Bulshada ku dhaqan Goballka Hiiraan Dowladda ayaa ka shaqeyn doonto ayuu yiri Wasiirka Amnniga Qaran oo dhinaca kale Warbaahinta ku dhaliilay in ay ka bad badiyeen hadalka Guddoomiyaha.
 
Waa Mas'uulkii ugu horeeyay ee ka tiran Dowladda Soomaaliya oo jawaab ka bixiya  warkii ka soo yeeray Maalintii shalay Guddoomiyaha Maamulka Goballka Hiiraan oo sheegay in ay kalsoonidii iyo wada shaqeyntii ay kala laabteen Dowladda Soomaaliya, islamarkaana Goballka Hiiraan yahay mid ka badaxbanaan Dowladda.
 
Guddoomiyaha Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa Jimcihii aynu soo dhaafnay Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Xarunta Maamulka Goballka Hiiraan waxaa uu ku sheegay in Magaalada Muqdisho intii uu joogay uu kulamo la qaatay Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Soomaaliya sida Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo R/iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Shirmarke islamarkaana wixii hadda ka danbeeya uu ku shaqeyn doono awaamiirta ay soo fareen Mas'uuliyiinta Dowladda, laakiin su'aasha dadka intiisa badan is weydiinayaan ayaa ah waxa keenay is badalka dag dega ah ee markiiba ku dhashay Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]