Dowladda Philippine oo sheegtay in ay daneyneyso in ay Ciidamo ilaaliya Xeebaha u tababarto Dowladda Soomaaliya

Talaado, September 01, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Philippine Gloria Macapagal Arroyo ayaa shaacisay in wadankeeda uu daneynayo in uu Ciidamo ilaaliya Xeebaha Soomaaliya u tababaro Dowladda Soomaaliya.

Gloria Macapagal Arroyo ayaa iyadoo ka hadleysay shirka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika uga socda Liibiya waxaa ay sheegtay in ay cabsi weyn ka qabto in ay sii kordhaan weerarrada ay qaadaan kooxaha burcad badeedka ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, waxayna taasi ku sababeysay in haatan laga gudbayo xilligii bad-xiranka ee ay kacaan dabeylaha mansuunka.

“Tani waa mid ka mid ah arrimaha murugsan ee ka taagan Qaaradda Afrika, si xal loogu helana waxaa loo baahan yahay in wadajir looga shaqeeyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Dalka Soomaaliya oo ay xeebihiisa ku sugan yihiin kooxo burcad badeed ah”ayay tiri Madaxweynaha Philippine Gloria Macapagal Arroyo.

Intaas kaddib waxa ay sheegtay Gloria Macapagal Arroyo in ay dowladdeeda daneyneyso in ay tababar siiso ciidamada badda ee Dowladda Soomalaiya si loo so oaf-jaro dhibaatooyinka ay Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida ku hayaan Xeebaha Soomaaliya.

Kooxo Burcad Badeed ah oo markoodii hore ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay haatan u ugaarsi tagaan Gacanka Cadmeed, iyagoo halkaasna ka soo qafaasha maraakiibta isaga kala goosha gacanka cadmeed iyo Canal-ka Suez, waxayna hay’ad qaabilsan Badaha Caalamka ay sheegtay in 240 weerar oo ay Kooxo Burcad Badeed ah ka geysteen Badaha Caalamka oo dhan, iyadoo 130 weerar oo kaliyana ay ka dhaceen Xeebaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya