Talaado, September 01, 2009(HOL): Tahriibayaal Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Xeebaha Yemen kaddib markii ay la qalibmeen Doomihii ay la socdeen oo gaarayay ilaa 4 doomood.
Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan Qunsuliyadda Soomaalida ee Yemen ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da in afar doomood oo ay la socdeen tahriibayaal Soomaali ah ay labo ka mid ah qalibmeen, shilkaasna ay ku dhinteen 19 ruux.
“Labada doomood ee qalibmay mid waxaa ku dhintay 15 ruux, mid kalena waxaa ku dhintay 4 ruux, waxayna labada doomoodba ku qalibmeen meel ku dhow xeebta Gobolka Abyan”ayuu yiri Xuseen Xaaji Axmed oo sheegay in dad u soo gurmaday dadka shilka qabsaday ay dib u noqdeen kaddib markii ay ka baqeen libaax badeed ku wareegeysanayay halka ay doomaha ku qalibmeen
Xuseen Xaaji Axmed waxaa uu intaas ku daray in shilka ku dhacay Doomahan ay la socdeen Tahriibayaasha Soomaalida ah uu ku soo beegmayo iyadoo bartamaha bishan uu ku egyahay xiligii bad-xiranka, wuxuuna caddeeyay in doomahan ay ka soo hormareen xiligaas.
Tahriibayaal badan oo Soomaali ah oo ka cararay dalka Soomaaliya ayaa waxay ku dhamaadaan Badda u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya, iyadoo dadkaasina ay doomo aanu ku safarkooda wanaagsaneyn ay ka raacaan Xeebaha Gobolka Bari ee Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya