Markabkii ku gubtay Dekedda Berbera iyo Hantidii saarnayd oo baaba'ay iyo xisbiga Kulmiye oo ka hadlay

Talaado, 1 September 2009 (HOL): Markabkii u rarnaa Ganacsatada reer Somaliland ee dabku ku qabsaday Dekedda Berbera, ayaa la sheegay in uu guud ahaanba bes-beelay oo uu Dabkii baabi’iyay isaga iyo Hantidii saarnaydba, marka laga reebo in yar oo kooban oo lagu  guulaystay in laga dejiyo. Iyadoo Xukuumaddu Xabsiga u taxaabtay Shaqaalihii iyo Kabtankii Markabkaas, waxaana falka gubashada Markabka ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Markabkan oo siday Wararku sheegayaan ay saarnaayeen Shixnad gaadhaysa 1600 ilaa 2000 oo Tan oo isugu jira Alaabooyin kala duwan oo ay Gaadiid ka mid yihiin, ayaan lagu guulaysan in la bakhtiiyo, isla markaana laga jiiday Dekedda Berbera si aanu Dabku ugu soo gudbin Dekedda iyo Maraakiibta kale. hase ahaatee, waxa laga guray ilaa 200 Tan oo Bagaash ah iyo 63 Gaadhi. Taas oo wax aad u yar ka noqonaysa marka loo eego Hantidii saarnayd.

Maamulka Gobolka Saaxil ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen Shaqaalihii iyo Kabtankii Markabkaas oo ay ku eedeeyeen inay iyagu is-hortaageen bakhtiinta Markabkan. Kuwaas oo hadda ku xidhan Magaalada Berbera. Hasee yeeshee, wax War ahi kama soo bixin dhinaca Shaqaalaha iyo Kabtanka toona.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Falkan. Waxaanu ka tacsiyeeyay Ganacsatadii uu u rarnaa. Waxaana sidaa lagu sheegay Qoraal kooban oo uu Guddoomiyuhu ku saxeexnaa. "Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Mohamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, iyo kan guud ahaanba Xisbiga Kulmiye gudo iyo dibedba waxa uu ganacsatada iyo guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland  ee hantida ku lahaa ka tacsiyadaynayaa khasaarihii ka soo gaadhay Markabkii ku gubtay Dekedda Berbera 1da Sep.2009, waxaana uu Ilaahay uga baryayaa in uu siiyo cawil celin fiican. Waxaanu u muujinaynaa walaalahayga khasaaruhu soo gaadhay in aanu la qeybsanayno murugada dhibaatada ku dhacday.” Ayaa lagu yidhi Qoraalkaa.

Ma jiro War rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Dawladda dhexe ee Somaliland oo ku saabsan Hantida ku baaba’day Markabkan iyo saamaynta uu ku yeelan karo shacabweynaha Somaliland oo la filayo in uu heerkiisu sarreeyo.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland