Arbaco, September 02, 2009(HOL): Kaalmdan ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay August 31, 2009 waxaa teleefoon lagu gudoonsiiyay Naafada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee kujira Ispitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Cabdi Mahad Ali, Afhayeenka Naafada Martiini, oo ku hadlayay magaca Naafada ayaa uga mahad celiyay Jaaliyada Soomaalyeed ee Kansas City ee dalka Maraykanka kaalmadaas wax ku ool ka ah.
Wuxuu sheegay in ay deeqdanu ku soo beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan xili ay xaaladdooda dhaqaale aad u liidato. Wuxuuna u rajeeyay dadkii lacagtaas soo diray inuu Alle ugu badalo wax ka khayr badan aduun iyo aakharaba.
Jaalaiydda Soomaaliyeed ee Kansas City ayaa ugu baaqaysa Jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed inay ka warhayaan kaalmo dhaqaalana ufidiyaan ragaas oo 30 sano ka hor ku soo naafoobay dagaaladii dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopa 1977 ilaa iyo wakhtigaasna ku noolaa Isbitaalka Martiini.
Sidoo kale waxay Jaaliyada Kansas City ka codsanaysaa madaxweynaha dawlada midnimada qaran ee ku meel gaarka ah Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyo Ra’isul wasaaraha dawlada ku meel gaar ka ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke inay raggaas u aqoonsadaan halyeeyo qaran una qoraan mushahaarooyin iyo raashin la mid ah midka ay qaataan ciidanka hada shaqeeya. "Umadi ma jiri karto haddii aysan halyeeyadeeda iyo taariikhdeeda aqoosanin" Jaaliyadda Kansas.
Qofkii doonaya inuu laxiriiro dadka naafada ah ee ku nool Ispitaalka Martiini wuxuu kala xiriiri karaa teleefoonkan: Tel: 2521-518-4736.
Hiiraan Online News Desk