Talaado, September 01, 2009(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu galabta iyo caawa fiidkii ka dhacay xaafado ka tirsan Degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Dagaalka galabta dhacay ayaa wuxuu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere iyo Shibis, wuxuuna dhexmaray ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa Amisom iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo dhawaanahanba degmooyinkaas isku horfadhiyay.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan nawaaxiga Degmada Boondheere ayaa waxay sheegeen in dagaalka uu qarxay kaddib markii kooxaha ka soo horjeeda Dowladda iyo Ciidamada Amisom ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Degmooyinka Boondheere iyo Shibis.
Dagaal kale oo u dhaxeeyay Ciidamada Amisom ee sugan Xarunta Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday ayaa wuxuu caawa fiidkii ka dhacay nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad, iyadoo dagaalkaasna uu ahaa mid culus oo la isugu adeegsaday madaafiic xooggan.
Dagaalkan oo ka dhacay xaafado inta badan laga barakacay ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha ka dhashay haddii uu ahaan lahaa mid soo gaaray dhinacyadii dagaallamay iyo weliba haddii uu ahaan mid ay gesteen madaafiicdii ay dhinacyada dagaallamaya isu adeegsadeen.
Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Muqdisho kala soco halkan Haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya