Wararkii u dambeeyay ee Dab qabsaday Markab Dekedda Berbera taagnaa

Talaado, 1 September 2009 (HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa ku guul-darraysatay inay si degdeg ah u bakhtiiSO Markab siday Shixnad ay leeyihiin Ganacsato reer Somaliland, kuwaas oo isugu jira noocyada kala duwan ee Alaabta dhismayaasha, Gaadiid iyo agab kale. kaas oo shalay galabnimadii Dab ku qabsaday Duleedka Dekedda Berbera.

Dabkan ayaa Markabka ka kacay sida la sheegay abbaaro 5:00 galabnimo ee shalay, ayaa socday ilaa 10:30-kii habeenimo ee xalay. Dabkan ayaa muddadii uu socday Wararku sheegayaan in la baabi’iyay hanti badan oo isugu jiray Shixnaddii Markabka saarnayd.

Inkasta oo Maamulka Dekedda Berbera aanay ka hadal sababta dhaliyay Markabkan oo lagu magacaabo MC-Maryan Star, haddana siday Wararku sheegayaan wuxuu ka dhashay Markabka gudihiisa waqti uu ku sugan yahay duleedka Dekedda Berbera. Waxay Wararku intaa ku dareen in Dabka muddadan socday ay bakhtiintiisa ka qayb-qaateen Shaqaalaha iyo Hawl-wadeenada Dekeddu.

Ilaa hadda lama oga xaddiga khasaaraha soo gaadhay Markabkan iyo Hantida saarnayd. Hase ahaatee, Wararku waxay sheegayaan inay gaadhayso Malaayiin Dollar.

Halkan kala soco wixii Warar ka soo kordha.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland