Talaado, 1 September 2009 (HOL): Allaha u naxariistee waa saaka barqadii Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Axmed Maxamed X. Bidaar oo hore uga mid ahaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, hase ahaatee hore xilka looga qaaday.
Marxuum Axmed Maxamed X. Bidaar oo hore u ahaa xubintii Xisbiga UCID kaga jiray Komishanka, isla markaana eedayn ay hore ugu jeediyeen Xubnaha kale ee Komishanku xilka-qaadistiiga ku ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland bilihii aynu ka soo gudubnay, ayaa saaka abbaaro 9:00 subaxnimo si kedis ah ugu geeriyooday Magaalada Hargeysa, ka dib markii sida ay Wararku sheegayaan Wadnuhu istaagay.
Marxuumka ayaa la filayaa in lagu aaso Magaalada Hargeysa.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland