Talaado, September 01, 2009(HOL): Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo maanta shir ku yeeshay magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan ayaa waxay ka soo horjeesteen hadal uu shalay sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Macow ayaa shalay ka sheegay magaalada Beledweyne in kalsoonidii kala noqdeen Dowladda Soomaaliya, isla markaana ay yihiin maamul ka madax bannaan dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in go’aankaas ay la qabaan Odayaasha Dhaqanka Gobolka.
Haddaba Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo hadalkaas jawaab ka bixiyay ayaa waxay sheegeen in aysan guddoomiyaha la qabin hadalka uu sii daayay, waxayna caddeeyeen in ay taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Maxamuud Axmed Xooshow Koronto ayaa sheegay in dhamaan odayaasha dhaqanka gobolka ay taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan xiligan u muuqanin sabab ay uga soo horjeestaan dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay heystaan dagaallo uga imaanaya dhinaca kooxo ka soo horjeeda.
Ma ahan Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo kaliya waxa ka soo horjeestay hadalkii uu sii daayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaana sidoo kale ka soo horjeestay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Sanbaloolshe, kaasi oo uu sheegay in hadalkaas uusan ahayn mid ay u dhan yihiin dadka Gobolka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]