Arbaco, September 02, 2009(HOL): Maxajarka magaalada Boosaaso ee xarunta u ah ganacsiga Puntland ayaa maanta waxaa kulan ku qaatay wafdi ka socda dalka Lubnaan qeybtooda caafimaadka xanaanada xoolaha iyo wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Axmed Xussen Doonyaale, agaasimaha guud ee maxjarkaasi Maxamed Faarax Maxamud iyo qaar ka mid ah maamulka gobolka bari.
Wafdiga ka socda Lubnaan ayaa waxa ay isugu jiraan Tujaar, Dhakhaatiir iyo Wasaaradda xanaanada xoolaha dalkaasi, waxa ayna sheegeen in ay u socdaan soo kormeeridda xaaladda caafimaad ee xoolaaha ku jira Maxajarka magaalada Boosaaso si ay qeyb uga noqdaan dowladaha ay Puntland la saxiixatay heshiiyada dhanka dhoofinta xoolaha Soomaaliya.
Waxaa warbixin dheer ka siiyay wafdiga qaabka uu u shaqeeyo maxjarku agaasimaha guud ee maxjarkaasi Maxamed Faarax oo sheegay in uu ka kooban yahay ilaa dhowr xero oo loogu tala galay xanaanaynta xoolo
isugu jira Ari, Geel iyo Lo, kuwaas oo uu sheegay in dhamaantood caafimaadkooda laga taxadaray.
Maxamed Faarax waxa kaloo uu sheegay in ay kulanka labadan maamul timid kaddib markii uu wasiirka xanaanada xoolaha dalka Lubnaan uu la soo xariiray dhiggiisa Puntland Axmed Xussen Doonyaale, isla markaana ay arinkaasi wada tashi kala yeesheen madaxweyne C/raxamaan Faroole oo isagu ku raacay in wafdigu yimaada magaalada Boosaaso.
Mar ay wafuudda wax ka su'aaleen wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Axmed Xussen Doonyaale, in ayiga iyo maamulka Dowladda Soomaaliya ay wada shaqeyni ka dhaxeyso iyo in kale, ayaa waxa
uu ugu jawaabay in ay si wanaagasan ula shaqeeyaan Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif, laakiin ay u madax bannaan yihiin heshiisyada caalamiga ah ee ay Puntland la saxiixanayso dalkii ay doonto. Waxa uuna sheegay in ay soo dhaweynayaan wafdiga ka socada dalka Lubnaan oo lugtoodii ugu horraysay ku soo arkay qaabka uu u shaqeeyo maxjarku.
Dhanka kale mar agaasimaha guud ee maxjarkaasi ay isna wax ka su'aaleen wafdigu in xoolahoodu ay qabaan cudurka rift valley, ayuu ugu jawaabay Maxamed Faarax baaritaan ay bishan sameysay laanta xanaanada xoolaha ee maxjarku in aan haba yaraatee hal kiis oo cudurkaas ah laga helin xoolaha maamulka Puntland dhulkiisa ku nool.
Ma ahan markii ugu horraysay ee ay yimaadan magaalada Boosaaso wafuud ka socota dalalka carabta oo doonaya in ay heshiisyo la saxiixdaan Puntland waxa ayna ahayd bishii 7aad markii wafdi ka socada
Isu Tagga Imaaraadka Carabta uu booqday Boosaaso iyadoo socdaalka wafdigaasna uu ku saabsanaa sidii uu heshiisyo ula saxiixan lahaa maamulka maxajarka Puntland.
Maxamed Cali Royter
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya